Saturday, September 21, 2013

Wayne Rooney: hada waxan is haynaa liverpool waanay dhaaftay Deriskayaga Manchester City.


Wayne Rooney ayaa shidaal ku sii shubay dabka shidan ka hor kulanka




axada ee Manchester derby isagoo sheegtay in kulankaas uusan aheyn




kulankooda ugu weyn ee xilli ciyaareedka.




 




Manchester United ayaa Etihad Stadium ku wajaheysa kooxda Manuel




Pellegrini ee Manchester City kulan si aad ah loo sugayo, laakiin Rooney




ayaa aaminsan in kulamada ay la ciyaaraan Liverpool inay micno weyn ugu




fadhiso kooxda Old Trafford ka dhisan.




 




“Dhamaantood waa kulamo waa weyn. Sida iska cad United iyo Liverpool




ayaa aheyd kulanka ugu weyn muddo sanooyin ah” ayuu Rooney u sheegay




Daily Mirror markii la weydiiyay hadii xafiiltanka United iyo City uu




haatan yahay kan ugu weyn kubada cagta Ingariiska.




 




“City dhawaanahan guulo ayay gaarayeen, laakiin waxaan dhihi lahaa




United iyo Liverpool ayaa weli ah kulanka ugu weyn.”




 




Si kastaba, Rooney ayaan qabin in kulanka ay la ciyaarayaan deriskooda




inuu yahay mid qeexaya halka xilli ciyaareedka uu u jiheysanayo.




 




“Ciyaartoyda Ingariiska ayaa si aad ah uga warqaba waxa ay la micno




tahay kulankaan ka dib afartii ama shantii sanno ee u danbeysay” ayuu




yiri 27 jirkaan.




 




“Waa kulan weyn waxaana rajeyneynaa inaan badino. Goolal ayaan ka




dhaliyay City, indhaha ayaana ku hayaa kulankaan.




 




“Waa kulan weyn oo u dhaxeeya labo kooxood oo horyaalka ku tartamaya. Ma




ahan kulan qeexaya halka xilli ciyaareedka uu u jiheysanayo, laakiin waa




kulan weyn, waa derby maxali ah.”