Hargeysa(GNA)-Saacadaha soo socda waxa Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ku soo fool leh Diyaarad ay leedahay Shirkadda Itoobiyaan Airline, taasoo ay Magaalada Addis-ababa ka soo raacayaan Raxan ka mid ah Golaha wasiiradda oo Maalmahan halkaasi u joogay sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen Duulimaadyadii Diyaaradaasi joojisay Bishan horaanteedii.
Dib u soo Noqoshada Itoobiyaan Airline, waxay ka dambeysay Lad-qabo todobaadyo qaadatay oo Wasiirradaasi u joogeen Addis-ababa, taasoo kaliftay inay Masuuliyiinta Duulista Hawada Somaliland ka Jawaabi kari waayaan sababta ay Shirkadaasi u joojisay Duulimaadyadeeda, iyagoo aan ilaa hada war xaqiiqo ah bulshad ka siin arintaasina, maanta sheegay inay imanasyso Diyaarad ay leedahay Shirkadaasi.
Inkasta oo warar hoose oo Gonanimonews heshay sheegayaan in Masuuliyiinta Somaliland lacag badan ku bixiyeen Imaanshiyaha Itoobiyaan Airline ee Hargeysa, isla markaana ay la socdaan saddex Wasiir oo kala ah Wasiirrada arrimaha Dibada, Arrimaha Gudaha iyo Duulista Hawada, hadana wali su’aalo badan ayaa ka taagan Duulimaadkan shirkaddu ku timi Hargeysa.
Su’aalaha ugu waaweyn ee ka taagan arintan waxa ka mid ah, Maxay Wasiirrada Somaliland ku qanciyeen Shirkaddan?, saameyn intee le’eeg ayay dawlada Itoobiya ku leedahay go’aanka shirkaddu ku soo laabatay, maadaama shalay wasiiradu la kulmeen Raysal-wasaare ku-xigeenka Itoobiya?, mase laga yaabaa in Masuuliyiinta Maanta soo degaya laga soo Kireeyay Diyaaradan soo qaaday, isla markaana duulimaadkan uu ku eegyahay shaqada Ethiopian Airline ee Hargeysa iyo Addis-ababa.
Jawaabaha Su’aalahan ka soo baxaya ayaa ah kuwo u yaala Xukuumadda Somaliland, gaar ahaana wasiirrada Addis ka soo raacaya ee shaqadii ay qaranka u hayeen todobaadka iyo badhka ku lumiyay sidii ay Madaarka Hargeysa u keeni lahaayeen Diyaarad ay ku qorantahay Itoobiyaan Airline.
Imaanshiyaha Diyaaradani wuxuu guul u noqon lahaa Somaliland, hadii lagu soo beegi lahaa todobaadkii Rakaabkii ay ka tagtay Hargeysa boyhoofayeen, balse iminka ma jirto macno badan oo ay u sameynayso qaranka Somaliland iyo qadiyada wasaarrada Duulista ee wali ku jira iska Moosidda Ceebaha Musuqmaasuq , kaasoo sabab u ahaa joojintii Duulimaadyadeeda.
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Kooxda la shaqaysa ayaa goor dhaweyd Madaarka Diyaaradaha u qaaday Wariyayaal Goob-joog ka noqon doona soo degitaanka Diyaaradan iyo Wasiirrada la socda oo uu ku jiro Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi oo si weyn ugu faani doona talaabadan uu ku soo dal joojiyay Diyaaraddan Shirkadda Ajaanibka ahi leedahay, oo aan iyada lafteedu ilaa hada si run ah oo lagu qanco uga war sheegin sababta ay u joojisay Duulimaadyadeeda, marka laga tago warar isla dhexmarayay tan iyo markii ay talaabadaasi qaaday oo go’aankeeda ku xidhiidhinayay sababo amni daro.
Hadii ay sidaasi tahay oo ay cabsi dhanka amaanka ah u joojisay Ethiopian Airline Duulimaadyadeedii Hargeysa, ileen wali waxba lagama qaban Madaarka, Miyaa la soo Af-duubay Diyaaraddan ay Hargeysa u soo dirtay?
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com