Angel Di Maria ayaa shaaca ka qaaday inuu go’aansaday inuu sii joogo
Real Madrid ka dib markii uu mustaqbalkiisa kala hadlay saaxiibkiisa
xulka Argentina Ezequiel Lavezzi iyo tababare Carlo Ancelotti.
Xiddigan garabka ka ciyaara ayaa lala xiriirinayay xagaagii inuu ka
tagayo Santiago Bernabeu, laakiin waxa uu ugu danbeyn go’aansaday inuu
sii joogo madaama inuu u tartamo booskiisa aysan cabsi gelinin.
“Waxaan go’aansaday inaan sii joogo, inkastoo ciyaartoy ay kooxda
imaanayeen” ayuu Di Maria u sheegay Rock and Pop radio.
“Waxaan ogaa inaan xilli fiican ku jiro islamarkaana leeyahay farsamada
aan halkaan kaga ciyaari karo. Waxaan la hadlay Pocho [Ezequiel Lavezzi]
waxaana uu i weydiiyay: ‘Xaqiiqdii ma waxaad rabtaa inaad halkaas ka soo
tagto?’
“Tababare Carlo Ancelotti waxa uu ii sheegay in cidii fiican ay ciyaari
doonto. Waxaan ku fekeray in Bale uusan tababar la qaadan Tottenham
sidaasi darteed waxaan qiyaasay inaan aniga ku horeeyo tartanka boosaska.”