Washington(GNA)-Wali Aqalka Cad ee Maraykanku go’aan kama gaadhin weerar Milateri oo ka dhan ah nidaamka Bashaar al-asad ee Syria, waxaanu xayeysiis ugu jiraa qiil u helida sababaha uu ku weerarayo.
Tani waxay salka ku haysaa cabsi aanu ugu degdegayn Mandaqada Bariga dhexe oo hadii guluf toos ahi ka bilaamo guri-guri iyo Gobol-gobol Qiiqu hawada isku shareerayo.
Kuma koobnaan doono Dimishiq weerar milateri oo Maraykanku ku qaado Syria, hase ahaatee wuxuu daah fur u noqonayaa Colaad aan la mahadin oo qaraxda mandaqada oo dhan.
Madaxweyne Brack Obama ayaa Maanta gelinkii dambe aqalka cad kula kulmay madaxda Congress-ka, waxaanu mar kale u laqimay xaalada Sria iyo dambiga uu faraha kula jiro maamulka dalkaasi.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Aqalka cad Madaxweynaha ayaa xubnaha uu la kulmay kula dooday inay lagama maarmaan tahay in talaabo la xisaabtan ah laga qaado Asad iyo maamulkiisa.
Brack Obama ayaa maalin ka hor ku adkeystay inuu weerarayo Dimishiq, laakiinse wali taasi kama uu dhabeyn go’aankiisa.
Isku day kasta oo uu ku dhaqaajiyo Ciidamadiisa iyo xulafadiisa Dagaalka, waxa ka horeeya la tashiyo badan oo uu la sameynayo dadka la dhisa gaadhida qaraarada Caalamiga ah ee uu waajayo.
Balse isweydiinta ugu weyn ee haatan taagan ayaa noqoysa waayo cidda uu la tashanaya?, ma kuwa Talabiib gacan saarka la leh, mise kuwo dhexdhexaad ka noqon kara Duruufaha soo jiitamayay ee ka taagan Gobolka Liishaanka lagu hayo.
Taasi waxay noqon doontaa talaabo ku socdo waddo la mid ah tii uu Madaxweynihii ka horeeyay ee Goerge W. Bush u maray weerarkii Ciraaq tobaneeyo sano ka hor, kaasoo wajigii hore ee Khaarajinta Sadaam Guul ku dhamaaday, balse markii dambe dhaliilaha ka soo baxay uu Kursiga ku helay Obama.
Gobanimonews
Washington Office
Email: editor@gobanimonews.com