Muqdisho(GNA)-Abuu Mansuur Al-Amriiki oo ka mid ahaa dagaalyahanada ajaaniibka ah ee ka bar bar dagaalami jiray Al-Shabaab ayaa caawa ku dhawaaqay inuu ka baxay Ururka Al-Qaacida iyo Al-Shabaab oo uu ka tirsanaa sanadihii ugu dambeeyay.
Go’aankiisa ayaa ka dambeeyay warar bilihii ugu dambeeyay laysla dhex marayay oo sheegayay in Khilaaf sababay in dil lagu xukumo marka la qabto uu soo kala dhex galay hogaanka Ururka Al-shabaab, kaasoo isaga iyo garab ay ku jiraan xubno miisaaan ku lahaa al-shaabab fakad ku jiraan.
Al-Amriiki oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya uusan ka mid aheyn Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.
"Maanta wixii ka dambeeya waxaan qirayaa inaanan ka mid aheyn Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, nafteyda waxaa kala baaqayaa Hogaamiyaha Al-Shabaab"ayuu yidhi Abuu Mansuur Al-Amriiki oo magaciisa dhabta yahay Cumar Xamaami.
Abuu Mansuur Al-Amriiki ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay xabsi dhigeen Labo xaas oo uu qabay, isagoo sheegay in la dilay nin ay magan gelisay xaasaskiisu,sida uu sheegay.
Waxa uu sheegay inuu ku sugan yahay meel ka mid ah Koofurta Soomaaliya, gaar ahaan dhul keyn ah oo ku yaala Gobolada Bay iyo Bakool.
Abuu Mansuur ayaa wareysiga lala yeeshay uu ahaa mid dhinacyo badan taabanayay, iyadoo Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ay ballan qaaday in wareysiga qeybihiisa kale ay ku sii deyneyso idaacadaheeda soo socda.
Todobaadkii hore ayaa la sheegay in xoogag hubeysan ay ku weerareen hoy ku yaal degmada Diinsoor oo uu deganaa nin la sheegay inuu sarkaal ahaa, iyadoo iska hor imaad halkas ka dhacay uu ku dhintay ninkaas.
Abuu Mansuur Al-Amriiki oo ah muwaadin u dhashay dalka Mareykanka ayaa in muddo ahba baqa carar ka ahaa Hogaamiyaha Shabaab, isagoo fariimo muuqaalo ah oo uu horay u soo geliyay baraha Internet ku sheegay inuu halis ugu jiro in la dilo, waxaana dhowr jeer uu dhaleeceeyay Amiirka Shabaab.
Sawiro uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka dhowr bilood ka hor ayuu ku sheegay inuu isku day dil ka bad baaday markii lagu weeraray deegaanka Raama cadeey ee Gobolka Baay, isagoo sawirada uu soo bandhigay ka muuqday dhiig kaga yaalay qoorta oo aheyd dhaawaca loo geystay.
Hogaanka Al-Shabaab ayaa in muddo ahba is khilaafsanaa, iyadoo bishii June bartamaheeda degmada Baraawe lagu dilay Ibraahim Afghan iyo Macalin Burhaan, kuwaasoo ka mid ahaa saraakiisha ka soo horjeeday Amiirka Shabaab Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr oo loo yaqaano Axmed Godane, iyadoo Afhayeen u hadlay Al-Shabaab uu sheegay in raggaas ku dhinteen iska hor imaad markii ay dagaalameen oo ay diideen inay is dhiibaan.
Wuxuu noqonayaa Sarkaalkii saddexaad ee ka goosta Ururka Al-shabaab tan iyo Bishii January ee sanadkan, waxaana hada ku sugan Magaalada Muqdisho Sheikh Xasan Daahir aweys oo bishii June ka soo goostay Baraawe, ka dib markii uu ka cabsooday inuu dilo Axmed Cabdi Godane oo khilaaf soo kala dhex galay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dawlada Somaliya oo la xidhiidha aragtida ay ka qabto go’aanka abu-maansuur, hase ahaatee waxa la rumaysanyahay inay si weyn u soo dhaweyn doonto, go’aanka Ninkan oo ku soo beegmay xili Madaxweynaha somaliya ku suganyahay mid ka mid ah Goboladda ay Al-shabaab ku badantahay, gaar ahaan Sh/hoose.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com