Washington(GNA)-Madaxaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya oo safar shaqo ku joogo dalka Mareykanka ayaa waxaa uu kulumo laqaatey Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalkan Mareykanka Mudane John .F.Kerry, Wasiirka Gaashaandha Mudane Chuck Hagel , Lataliyaha Amniga Qaranka Marwo Susan Rice , iyo Congaresman Keith Ellison.
Kulamadan ayaa waxay ka kala dhaceen xarumo kala duwan oo ay ka mid yihiin Aqalka-Cad ee Pentagonka, Capitol,iyo Wasaarada arrimaha dibada ee Mareykanka,Madaxaweynaha safarkiisa ayaa waxaa diirada lagu saarayaa wada shaqeyn iyo iskaashi dhaxmara Mareykanka iyo Somaliya.
Kulanka Madaxweynah ayaa waxaa ku weheliyey Ra’isul Wasaare ku xigeenka ahana Wasiirka arimaha dibadda Marwo Fowzia H. Yusuf Adam, Wasiirka Maliyada Mudane Maxamuud Suleymaan,iyo Wasiirul dowlaha Madaxtooyada Mudane Farah Sheikh Abdulqadir.Governatoraha Bankiga Dhexe Marwo Yusra Abrar iyo lataliyayaal sar sare oo ka kala socdo xafiiska Madaxaweynaha iyo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.
Madaxaweyne Hassan Sheikh Maxamuud ayaa ugu mahad celiyey Mareykanka Taageerada ay siiyaan shacabka Somaliyeed oo hada ka soo kabsanayo dagaal sokeeye oo aad udheeraa.Madaxaweynaha ayaa hoosta waxaa uu ka xariiqey muhiimada ay leedahay midnimada iyo heshiiska shacabka Somaliyeed. Sidoo kale wuxuu yiri” waa muhiim in wadashaqeyn ku dhisan nidaam iyo isbaheysi in ay dhex marto labada dal ee Somaliya iyo Mareykanka
Mar uu ka hadlayey lixda Tiir siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya ayuu Madaxaweynaha sheegey in ay hada Soomaaliya ka jirto isbedel iyo rajo ;taageero yarna ay wax badan ka bedeli doonto qaasatan dhinaca amniga iyo hormarka dalka.In xiriirka caalamiga dib loo soo celiyo waxa ay qeyb ka tahay siyaasada Madaxaweynaha.Sidoo kale Madaxaweynaha ayaa maanta khudbad taariikhi ah ka jeediyey Xaruunta Woodrow Wilson hoostana ka xariiqay horumarka lagaarey iyo in Soomaliya ay ka dhici doonto 2016 doorasho xor ah.
--
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia