(GNA) Kooxda Manchester United iyo Everton ayaa ku heshiiyey in beeca Fellaini la kala siisto £24milyan oo bound.
Labada naadi ayaa heshiiskooda wada gaalay waxaase dhiman wadahadalo yar oo lagu dhamaystiraayo ciyaaryahanka Belgeim-ka u dhashay.
Everton ayaa ku xidhay in Fellaini uu uwareego garoonka Old Trafford in marka hore ay soo xero galiso James McCarthy oo Wigan ka imaan doona si uu badalo.
Labada naadiba ayaa qiray in Fellaini uu ku biirayo United ka hor inta aanu xidhmin suuqa kala iibsiga saqda dhexe xalay 12:00, waxaase shaki weyn la galiyey suurtagalnimada Leighton Baines.
Everton ayaa qiimaha ay ku doonayso Baines ku sheetay £20Milyan taasoo ay United ka caga jiidayso inkastoo ciyaaryahanka codsaday in lasii daayo lagana iibiyo Man United.
Roberto Martinez tababaraha Everton ayaa diyaarinaya bixitaanka Fellaini hase yeeshee waxa uu doonayaa inuu Baines ku qanciyo inuu sii joogo Everton.
David Moyes ayaa xoogiisa isugu geeyey inuu Fellaini keeno Man United ka dib guuldaradii uu kala kulmay Cesc Fegragas iyo Thiago Alcantara
Sidoo kale waxay €36milyan oo Euro ku doonayaan inaay heshiiskiisa ku jabiyaan Athletico Bilbao wiilkeeda Andre Herrera oo isna dhexda ka ciyaara kaasoo ay rajeynayeen in shaley galab lala soo wareego.