(GNA) Real Madrid ayaa saxaafada usoo bandhigtay xidigeeda cusub Gareth Bale kaas oo lagu shaaciyay xalay Bernabeu.
Xidigan ayaa la sheegay in ay ugu dambeyn Madrid ku iibsatay aduun dhan £86million taas oo ka dhigan in uu yahay ciyaariyahanka ugu qaalisan aduunka .
Bale ayaa ka qaadan doona garoonka Bernabeu aduun dhan £256,000 todobaadkii .
Ku soo dhowaaw garoonkaaga hal ku dhig ay ku qorantahay ayaa garanka ku qorneed hadallo taa oo kale ahna waxaa ku soo dhaweeyay madaxweynaha Madrid , Florentino Perez oo ka hadlay goobta.
Xidigan ayaa xidhan doona garanka nambarka 11 aad ee Real Madrid.