Tuesday, September 3, 2013

Dubai: Maxaa ka dhexeeya Safarka Wasiirka Khaarajiga Somaliland ku tegay Maanta iyo Shirka Dib u Dhiska Somaliya ee ka furmaya?Warbixin:GNA






Hargeysa(GNA)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa maanta safar aan ujeedadiisu cadeyn ugu kicitimay Waddanka  isu taga Imaaraatka Carabta, waxaanu noqonayaa safarkiisii labaad ee uu Dalka dibediisa ugu baxo tan iyo intii xilka loo magacaabay.




Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waxa uu maanta Duhurkii ka raacay Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal International Air-port Duulimaadkii ugu horeeyay ee ay shirkadda Daallo ku samayso madaarka iyadoo soo fadhiisiisay Diyaaradii labaad ee ugu wayanayd oo ahayd 737-300, taasoo siday Rakaab gaadhayay 140 qof, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan socdaalku.




Magaalada Dubai ee Caasimada isutaga Imaaraadka carabta ee uu wasiir Biixi Yoonis u socdaalay waxa maalmaha soo socda ka furmaya shir lagaga hadlayo Dib-udhiska Somaliya iyo arrimaha budhcadbadeeda ee Geeska Afrika, gaar ahaan Somaliya,sida laga soo xigtay iskudubaridayaasha Shirkaasi oo ah mid Caalamiya oo la sheegay inay ka soo qayb-gelayaan in ka badan 500 Ergay oo diblo-maasiyiin iyo khubaro dhinaca Badda ku xeel dheer isugu jira.




“Shirkan waxyaabaha lagaga hadlayo waxa ka mid ah Dib u dhiska Xarumaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Horumarinta Dhaqaalaha” sidaasi waxa yidhi Agaasimaha Machadka Cilmibaadhista ee dalka Imaaraadka Theodore Karasik oo arimaha shirkan ka hadlay.




Ma cadda in Wasiirka arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis shirkaasi qayb ka noqon doono ama ka qayb-gelayo iyo in kale, hase ahaatee waxa muuqata inuu yahay mid dalkiisa ka saameynaya dhanka Budhcad-badeeda oo ka mid ah waxyaabaha ay Dunida kala shaqayso, inta badana golayaasha lagaga doodayo aanay Xukuumadda siilaanyo uga faagan qadiyada wax la wadaagista Dawlada Federaalka ah ee Muqdisho.




Hadii ay sidaasi tahay dadka wax ka saadaaliya arrimaha siyaasada,una dhuun daloola arimaha shirka ayaa qaarkood Gobanimonews u sheegeen inay boqolkiiba lixdan suurto gal tahay Amb, Biixi Shirkaasi ka qayb-galo, kana dhiibto wadha dawlada uu Wasiirka u yahay ee arimaheeda ku aadan dhanka Budhcad-badeeda.




Hore ayuu Maxamed Biixi Yoonis u sheegay inuu tegayo Madal kasta iyo meel kasta oo danta Somaliland ku jirto, haday tahay dhinaca dhaqaalaha iyo haday tahay dhanka siyaasadda, hase yeeshee todobaadyo ka hor ayuu sheegay inaanay dawladiisu ka qayb-gelayn Shirka Bishan 16-keeda lagu qabanayo Magaalada Brussels oo xarunta Midowga Yurub.




Laakiinse diidmada shirkaasi waxa ka dambeysay tegitaankiisa Dubai oo hadii ka xaadiro Madasha shirka qaban-qaabadiisu socoto aan waxba ka dhicin kan ay diiday Somaliland ee Brussels, marka laga hadlayo qodobada ugu waaweyn ee lagu lafo-gurayo oo ku taxaluqa Mashaariic wax lagaga qabanayo baahiyaha dhanka xafiisyada ee dawlada Somaliya.




Geesta kale Booqashada Wasiirka khaarajiga Somaliland waxay muddo saddex bilood ku dhaw ka soo soko maraysaa safarkii ugu dambeeyay ee Madaxweyne Siilaanyo ku tegay halkaasi oo ay waxyaabo badan kaga wada hadleen Masuuliyiin cul-culus oo dalkaasi u dhashay, sida wasiirka madaxtooyada ee waddanka Imaaradka iyo xubno kale.




 Taasi waxay hore furre u ahayd Mucaawinooyin kala duwan oo Dubai u balanqaaday Somaliland, iyadoo la filayo safarkan wasiirka  la xidhiidho sii ambo qaadista heshiisyadii hore u jiray ee labada dhan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com