Robin van Persie ayaa beeniyay wararkii sheegayay inuusan ku faraxsaneyn inuu ka hoos shaqeeyo tababaraha cusub ee Manchester United David Moyes.
Xiddiga kabaha dahabka Premier League ku guuleystay labadii xilli ciyaareed ee u danbeysay ayaa horyaalkiisii ugu horeysay la qaaday Sir Alex Ferguson xilli ciyaareedkii hore.
Ciyaaryahanka reer Holland ayaa sidoo kale xilli ciyaareedkan ku bilowday si fiican, isagoo dhaliyay labadii gool ee United ay Community Shield kaga qaaday Wigan iyo labo uu kale uu dhaliyay kulankoodii furitaanka Premier League oo ay ka badiyeen Swansea.
Van Persie ayaana shabaqa soo taaban wixii xilligaas ka danbeeyay.
Xaqiiqdii, wax fursad la taaban karo ma uusan helin kulankii barbaraha ee Chelsea iyo kulankii guuldarada ay ka soo gaartay Liverpool axadii, markaasoo fursadiisii ugu fiicneyd ay aheyd kubad uu geeska shabaqa ku dhuftay.
Waxaana soo baxay warar sheeganaya in Van Persie uusan la dhicin qaabka tababar ee David Moyes.
Laakiin 30 jirkaan reer Holland ayaa sheegayay in wararkas ay been yihiin.
“Wax weyn ayay ii tahay inaan la shaqeeyo tababaraha cusub David Moyes” ayuu Van Persie u sheegay wargeyska Holland ka soo baxa ee De Telegraaf.
“Waxa uu leeyahay qaabkiisa u gooniga ah ee tababar, waana jeclahay qaabkaas.
“Waan ku faraxsanahay qaabka Moyes. Waxa uu sameeyaa tababaradiisa u gooniga ah, xiriir dhow ayuu la leeyahay ciyaartoyda, shaqaalihiisa tababarka, si fiican ayuuna noo diyaariyaa ciyaaraha ka hor. Taas ayaana qaabka aan nahay naga dhigta.
“Nasiib wanaag, inaan sannadkii hore horyaalka ku guuleysanay ayaa naga dhigeysa kuwa u baahi qaba koobab kale.”