Dawladda Syria waxa ka xiga dhinaca galbeed Isreal iyo Lebanon, bari dawladda Ciraaq,waqooyi Turkey,Konfur Jordan .Syria waxey ku taalla xudunta bariga dhexe oo ah goob taariikhi ah ,hadday tahey dhinaca isku xidhka iyo isku guddubka dadka iyo ganacsigooda ee qaaraddaha Europe,Asia iyo Afrika inta aan la sameeyn ama la qoodin marinka’’ Canal Sweis’’ ee isku xidha labada bad ee kala ah badda cas (Red sea ) iyo badda cad (Mediterrenean sea) .Waana goobaha diimaha samaawigu ku soo degeen.
Ahamiyadda goobta ay ledahey Syria waxey geyeeysisay in ay mar walba ku hirdamaan xadaaradihi soo marey adduunka sida Assyrianki,Romanki,pheonicianki,Parsianki iwm,ugu dambeyntina waxey u gacan gashey Emaraddi islaamka waqtigi Khilaafaddi Amiir Al Mu’miniin Cumar bin Khadaab(R,C) ciidanki u hoggaaminayey khaalid bin Al walid iyo Saxaabigi Cuqba bin Naafic (RC).Waqtigaas aya dadka ku nool mandaqadda Shaam badankoodu Islaameen .Haddaba 1938 Syria waxa kala wareegey Imbraaduriyaddi Cismaaniyiinta gumeystaha Fransiska ,waxaaney xornimadeedi ka qaadatey 1946 .Markibaana waxey gashey dagaalki 1948 ee dhex marey Carabta iyo Yuhuudda ,dagaalkaas oo Yahuuddu ku guuleysteen kuna dhiseen dawladda Isreal.
Maah maah siyaasi oo Carbeed ayaa tidhaah’’ dagaal aan Masar ku jirin dagaal maaha ,nabad aan Syria ku jirin na nabad maaha’’.Haddalkaas oo ku tusaya in aan mandaqadda nabad ka dhaceyn haddaan Syria ahamiyadda ay ledahey la tix gelin .
Dagaalki 1967 ee Yahuuddu Carabta ku qaaddey Syria waxay ka qabsatey Golan Heights oo ah dhul buuro straatiji ah oo dusha ka eegeya Caasimadda dimishiq .Dagaalki 1973 ee Carabtu ku jabiyeen Yahuudda ,marki u madaxweynaha Masar Anwar Al Sadaat u si lama filaan ah u joojiyey dagaalki si u heeshiis Yuhuudda ula galo,Syria dagaalki bil bey kaligeed si waddey.
Haddaba haddaan ka jawaabo su’aasha kor ku xusan,HAA, reer galbeedku dagaal wu ku qaadaya Syria , arrimaha soo socda awgood :-
1-Reer galbeedka oo doonaya in kheyraadka dabiciga ah ee Syria gacanta ku dhigaan sida Ciraaq iyo Libiya iwm.
2 –In ay daciifiyaan xoogga military ee Syria madaama ay dawladda Yahuudda khatar ku yihiin (Dawladda Yahuudda oo saameeyn weyn ku leh go’aanada siyaasi ee reer galbeedka).
3-Madaama ay Syria ku taallo goob muhim ah oo Europe eegeysa iney kala wareegaan xidhiidka iyo BASE ka military ee Ruushka ay siiyeen .
4-In hoggaanka loo jaro xidhiidka Syria-Xisbulaah-Iran .
Allla mahad leh
La soco qeybah danbe .
Eng. Bashe C .Gaboobe