Saxiixa rikoorka ah ee Arsenal Mesut Ozil ayaa kalsooni ku qaba in xilli ciyaareedkan ay Arsenal soo gabagabeyn doonto sideed sanno oo abaar ay ka heysay koobabka waa weyn.
Ozil oo 24 sanno jir ah ayaa heshiis shan sanno ah u saxiixay Gunners markii uu 42.5 milyan ginni uga soo wareegay Real Madrid.
Markii la weydiiyay hadii kooxdiisa ay xilli ciyaareedkan qaadi doonto koobkeedii ugu horeysay tan iyo koobkii FA Cup ee ay qaadeen 2005, waxa uu u sheegay website-ka Arsenal: “Waa hubaal.”
“Sannadihii la soo dhaafay Arsenal guulo ma aysan gaarin, laakiin waxaan dooneynaa inaan guulo badan gaarno.
“Tababaraha waa macalin heer caalami, waxa uu taas soo bandhigay muddo sannado ah.” ayuu yiri Ozil.
“Ciyaartoy badan ayuu soo saaray islamarkaana horumariyay, waana sababta aan u go’aansaday inaan ku biiro Arsenal.
“Waxaan doonayaa inaan horumarin isku sii sameeyo, waxaan indhaha ku hayaa qaabka ay kooxda u ciyaarto. Arsenal waxaa lagu yaqaanaa awoodeeda kubada farsamada leh, iyo doonistooda inay ciyaaraan kubad weerar ah, waxaana qabaa inaan si fiican u la qabsan doono.”
Ozil ayaa laga yaabaa inuu Arsenal u safto kulankiisii ugu horeeyay marka ay 14ka bishaan u safraan Stadium of Ligh oo ay wajahayaan Sunderland.