Tuesday, September 3, 2013

SOM: Weftiga Madaxweynaha wax Khasaare ahi kamuu soo gaadhin Weerarka Nabad-diidka, waxaanu joogaa Marka”.Warsaxaafadeed


Marka(GNA)-Madaxtooyada Somaliya ayaa meesha ka saartay jiritaanka Khasaare weftiga madaxweynaha somaliya ee sh.hoose ku sugan ka soo gaadhay weerar Dhul-jiifnimo ah oo Alshabaab ku qaaday.




Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay Weerarkaasi, waxaanay ku doodeen inay Khasaare balaadhan gaadhsiiyeen Kolanyo ka mid ah Ciidanka Ilaalada Madaxweynaha.




Hase ahaatee Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha somaliya En. Cabdiraxmaan Yiriisow, ayaa lagu sheegay in madaxweynaha iyo weftigiisu nabad qab ku gaadheen Magaalada Marka oo ay kaga qayb-gelayaan dib u heshiisiin Beelo halkaasi ku dagaalamay.




Warsaxaafadeedka ayaa u dhignaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan, Wasiiradda, Cadaaladda , Gaashaandhigga, Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Taliyayaasha Ciidamadda Xooga iyo Nabad Sugidda ayaa maanta gaaray magaaladda Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose.




Madaxweynaha oo saaka safar dhulka kaga baxay magaaladda Muqdisho ayaa  ku hakadey  degaanka No 50 halkaasi uu kula hadlay  boqolaal qof oo ka tirsan dadka degaanka islamar-kaana ka dhageystay tallooyinka ay u soo jeediyeen duqeyda degaanka ka dibna halkaasi safarkii dhulka ahaa ka sii watay.




Waxaa magaaladda Marka ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh , Maamulka  Gobolka Sh/Hoose iyo kan Degmadda Marka , Saraakiisha ciidamadda  iyo  Shacabka magaaladda .




Ujeedda Safarka Madaxweynahu ee magaaladda Marka  iyo degaanadda kale ayaa ah  baahinta nidaamka  Dowladnimo ee goboladda dalka , dib-uheshisiinta, la tasshiyada bulshadda Shirweynahayaasha Qaran ee ka socda Muqdisho, Shirka 16 September Burgles  iyo aragtida fog ee Dowladda ee ah in doorashooyin dhacaan 2016.




“Ma jirto haba-yaraatee wax carqalad ah ee uu la kulmay Madaxweynaha iyo wafdiga , waan la soconaa Kooxaha nabad diidka  wax-yaalaha ay baahiyeen laakin xaqiiqdu waxey tahay in si nabad ah Madaxweynahu uu ku gaaray Marka” Ayuu yidhi Afhayeenka Madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow




War ka soo baxay kooxda Alshabaab ayaa sheegay in Dagaalyahanada Ururkaasi fuliyeen weerar Khasaare ka dhashay oo ay ku qaadeen Kolanyo ka mid ah weftiga madaxweynaha.
                                                     




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com