Dacar-Budhuq (GNA) -Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhanliyarada, Ciyaaraha Iyo Dalxiiska Md. Maxamed Axmed Xuseen (Dhabeeye), ayaa dal-xiisayaasha Somaliland iyo kuwa ajanabiga ahba ugu baaqay inay hab sharciga waafaqsan Boqoshada goobaha dalxiiska ee waddanka, iyagoo iska diwaangelinaya wasaaradda Dhanliyarada,Ciyaaraha iyo Dalxiiska.
Agaasimaha oo Maanta booqasho ku tagay xarunta Aasaarta qadiimiga ah ee magaalada Dacar- Budhuq ee Degamada laas-Geel,taasoo uu ku wehelinayo Agaasimaha Waaxda Dalxiiska, Ibraahin Shide, ayaa sheegay in goobtan taariikhdu duugan tahay ay daahfurtay hay’ad faransiis ah imikana ay rajaynayaa in iyada iyo kuwo kaleba dalka yimaadaan, meelo kalena daah-furaan. .
Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale bulshada reer Somaliland iyo dalxiisayaasha kaleba u soo jeediyay inay foomka dalbashada goobaha dal-xiiska ka goostaan wasaarada Dhanliyarada , Ciyaaraha Iyo Dalxiiska isla markaana ay lacagta dalxiiska ku bixiyaan wasaarada Maaliyada qayteeda cashuuraha Bariga, kana soo goostaan warqada Cadaynta , isagoo dhanka kalena shaqaalaha dalxiiska ku amray inanay ogolaan qof aan soo marin nidaamka sharciga ah.
Agaasimaha Guud iyo masuuliyiinta la socotay waxay sidoo kale xaruntai dalxiis degamada Laasgeel kula kulmay Georgina Jamieso oo u dhalatay Wadanka Scottland kana socotay haayada magaceeda la yidhaa Dunira Strategy oo ka shaqaysa horumarinta dalxiiska.
Agaasimaha waaxda dalxiiska Mudane Ibraahin Shide ayaa uga warbixiyey waftiga goobihii ay soo mareen ee deegaanka laas-geel isagoo sheegay in sawirada ku xardhan godadku ay yihiin kuwo cadaynaya in dad hore ay ku noolaayeen dalka wakhtiyadii hore .
Gabagabadii George-na Jamieso oo ah madaxa cilmi baadhista Hay’ada Dunira Strategy ayaa sheegtay inay maanta halkan u timi kormeer balse shaqaalaha haayadu wakhtiyada soo socda ay iman doonaan dalka wasaaradana ay kala shaqan doonaan dhinaca horumarinta dalxiiska.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com