Thursday, September 5, 2013

SL:Sheikh Muqdisho loogu Doortay Guddoomiyaha Urur-diimeedka Al-islaax oo Hargeysa ku soo laabtay, muxuuse ka yidhi Safarkiisa xamar


Hargeysa(GNA)-Sheikh Ismaaciil Cabdi Hurre (Sheikh Ismaaciil dheeg), ayaa Magaalada Hargeysa dib ugu soo laabtay, ka dib markii uu Magaalada Muqdisho kaga qayb-galay Shirweynaha Ururka Al-islaax oo uu ka tirsan yahay xubnaha culimada ah ee Reer Somaliland ee ka tirsan.




Sheikh Ismaaciil Dheeg, ayaa dabayaaqadii Bishii August gaadhay Muqdisho, waxaanu ka qayb-galay shirka Urur diimeedka Al-islaax oo ka dhacay Hudheelka City Plaza ee magaaladaasi, kaasoo loogu doortay Guddoomiyaha ururkaasi, sida lagu baahiyay Shabadaha wararka ay ku faafiyaan Al-islaax.




Inkasta oo markii hore la sheegay in Sheikh Ismaaciil dheeg loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wada-tashiga ee Ururkaasi, hadana warar soo baxaya intii ka dambeysay doorashadiisa, ayaa Gobanimonews u sheegay in Guddoomiyaha ugu sareeya loo doortay.




Wadaadka ayaa saddex Maalmood ka hor soo gaadhay Magaalada Hargeysa, waxaana imaanshiyihiisa ka dhashay dareen weyn oo la xidhiidha sababta uu xilkaasi u qabtay iyo talaabooyinka xiga ee uu qaadi doono, maadaama ururkani yahay mid dhaqdhaqaaqiisu si weyn uga dhex muuqdo Mandaqada Geeska Afrika oo dhan, gaar ahaan Goboladda somalidu degto oo faraciisu awoodaysanayo.




Sheikh Ismaaciil dheeg oo aan wali warbaahinta si toos ah uga hadlin , cadeyna mawqifkiisa hogaamineed iyo meesha uu u dhaqaajinayo Al-islaax, ayaa shalay khudbad kooban oo uu ka jeediyay Masaajid uu Iimaam ka yahay oo ku yaala Magaalada hargeysa, ku sheegay inaanu wax dhibaato ku ah danaha Dalkiisa iyo dadkiisa ugu maqnayn Muqdisho, isla markaana uu dano shakhsi ah u tegay, una tegi doono mustaqbalka hadii ay timaado,waa sida ay noo sheegeen dad ku sugnaa Masaajidka sheikh ka hadlay.




Laakiinse waxa la wariyay in qaar badan oo ka mid ah Xulafadiisa dhanka diintu aanay ku qancin hadalkaasi, walina ka sugayaan war cad oo ku saabsan jiritaanka Mansabka looga dhex doortay Al-islaax, waxaana laga yaabaa inuu Jimcaha soo socda khudbadiisa ku soo qaado mawduucaasi.




Ururka la sheegay in xilka looga doortay ayaa ka mid ah Jimciyadaha Diiniga ah ee qunyar socodka ah, waxaanay inta badan saameyn balaadhan ku leeyihiin Siyaasadda waddanka somaliya, sida ay sheegaan dadka arimaha siyaasadda ka faaloodaa.




Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre ( Sheekh Ismaciil Dheeg)ayaa ka Mid ah




Culimada Waaweyn ee Somaliland sida weyn looga qadariyo,waxaanu waxaanu Imaam ka Yahay Masaajid ku Yaala xaafadda Xero Awr ee Magaalada Hargeysa.




Dhinaca kalena waxa Warbaahinta ka baahiyaa Muxaadirooyin iyo Axaadiis muhiim ah,isagoo ka mid ah culimo tiro badan oo Barmaamujyo diiniya oo ay leeyihiin ka baxaan Telefishanka dawlada iyo kuwa kale ee somalida.




Sheikh ayaa Madaariis Diinta lagu barto ku leh Magaalada Hargeysa, kuwaasoo u badan kuwa caruurta lagu barbaariyo.




Ma cadda in qabashada xilka ururka Al-islaax saameyn ku yeelan doono hawlihiisa dhinaca Diinta ee gudaha Somaliland iyo Barmaamujyada uu leeyahay ee ka baxa Warbaahinta Dawlada iyo waliba sidoo kale Madaariista uga furan Magaalada iyo in kale, laakiinse waxa talaabadiisu ku soo beegantahay xili si weyn isha loogu hayo xarakaadka Ururadda Diiniga ah ee somaliya, gaar ahaana awoodda siyaasadeed ee Al-islaax.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com