Hargeysa(GNA)-Wasiirka Madaxtooyada somaliland Xirsi Cali X. Xasan, ayaa maanta ka Jawaabay Su’aalo daran-doori ah oo ay Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda oo warbixin ka dhegeystay waydiiyeen, kuwaasoo ahaa kuwo taabanayay arimo fara badan oo ku saabsan hawl-gudashada Xukuumadda iyo waxyaabaha inta badan mucaaridku dhaliilaha ka soo jeediyaan.
Su’aalahan oo xildhibaano door ahi si keli-keli ah u waydiiyeen wasiirka, iyagoo isu israacinayay dhawr su’aalood, isla markaana qaarkood ahaayeen kuwo aad u diir-diiran, ayaa Wasiir Xirsi mih-midh uga jawaabay, isagoo qaarkood ladhay kaftan iyo hufnaan siyaasadeed oo duur-xul laga dheehanayo.
Meelaha ugu xaasaasisan ee Wasiirka wax laga waydiiyay waxa ka mid ahaa arimaha amaanka, Adeegyada Biulshada, Tahriibka, derejada Ciidamada, in awooddiisa Wasiirnimo wax u dheeryihiin ama sida lagu xanto uu awood dheeraad ah madaxweynuhu siiyay iyo qodobo kale oo muhiim ah.
Hadaba Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ugu horayn ka Jawaabayay Su’aal laga waydiiyay tahriibka dhalinyarada, shaqo la’aanta iyo sababta ay xukuumaddu wax uga qaban wayday, taasoo uu waydiiyay Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah Mudaneyaasha Mucaaridka ah ee Golaha Wakiiladda, ayaa yidhi “Tahriibku waa Nabar dalkeena oo dhan ku yaala, waa nabar loo baahanyahay in laga wada qayb-qaato in la daweeyo, laakiinse hadaan xukuumaddu doorkay ka qaadato sheego Dawladu waxay shaqaaleysay 5537 qof, waxa kale oo la sameeyay xarunta Shaqo doonka, markaa waxa loo baahanyahay inaan nabarka Tahriibta la damqine sidii loo dhayi lahaa golayaasha Qaranka”.
Su’aalaha kale ee Wasiirku ka Jawaabay iyo sida ay xildhibaanadu waydiiyeena waxay u dhaceen sidan:-
Xildhibaan Mahdi Ibraahim Buuba: Wasiir waxa jirta in inta badan lagugu xanto inaad awood dheeraad ah leedahay, Xilka aad qaranka u hayso bal Golaha u iftiimi?
Xirsi: Xilka anigu aan hayaa waa xilka Madaxweynuhu ii magacaabay ee Wasaaradda Madaxtooyada oo ah xil Dastuuri ah oo Golahani ii ansixiyay, hadaan wax ka yar ka taabto si aan arintaa u sii iftiimiyana , waxa jira hogaamin iyo maamul, markaa dalka waxa hogaamiye u ah oo madaxweynaha Umaddu soo dooratay ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), aniguna waxaan ka mid ahay dadka uu shaqaalaha u xushay ee uu Maamulka hay’adaha u xilsaaray si hawshu uga kala fududaato, waxaanan ula shaqeeyaa si maalinle ah oo wixii warbixin ah iyo shaqo uu ii xilsaaro u qabtaa”.
Laakiinse Kursigu qofka ma dhiso ee waxa qofka ayaa dhisa , markaa dedaal iyo karti aad leedahay ayaad shaqadaada ku wanaajisay ayuunbaan isleeyahay, taana in laygu xaasido ma qabo”.
Xildhibaan Buubaa: Wasiir Hawl-galada Ciidanka RRU-da Dadweynuhu Cabasho balaadhan ayay ka muujiyaan, waxaana la fuliyaa habeenkii saacadaha dambe, markaa maxaa Maalintii loo fulin waayay, hadiiba qofka lagu soo qabanayo dambi lagu hayo?
Wasiir Xirsi: “hawl-galka Ciidanka RRU-da ee habeenkii waxa ku lamaan in qofka waxa uu dambiga ku gelayo lagu qabto, markaa waxa Guryaha dadkooda loogu gelayaa waxa weeye in qofka agabka Dambiga lagu fulin karo lala qabto.
“Sanadkan gudihiisa waxa la fuliyay 8 hawl-gal waxa lagu qabtay 28 Eedeysano, mid ka mid ah ayaa xukun lagu riday oo lagu xukumay xadhig ka badan10 sanadood, inta kalena waxay ku jiraan baadhis iyo kuwo dacwadoodu socoto, waxaanan doonayaa inaan u mahad naqo Ciidanka hawl-galadaasi fuliyay oo Guryo ay galeen ugu tegay , Dahab , Dollar iyo alaabooyin kale oo qaali ah, shayna aan ka soo qaadan, runtiina ciidankaasi waxay mudanyihiin in la dhiiri geliyo oo aan la dhaleeceyn”.
Xildhibaan Baarsiciid: Wasiir dhawaan waxaad xidhay Gabadha la yidhaahdo Nadra Maxamed Jaamac, taasoo lagu eedeeyay inay hadalo aad dhibsatay fariin kuugu soo dirtay, waxaana inta badan in ragu isku dhaliilo Jaraa’idka, markaa maxaa sababay in Inantaa xadhig ugula kacdo, iyadoo maalin walba Ragu jaraa’idka isku maagayaan?
Wasiir Xirsi: Inanta Nadra Maxamed Jaamac waxay ku kacday Fawaaxish aan loogu dambi dhaafi Karin, waxaana la xidhay anigoo Dubai ku maqan, markii dambe ee aan soo noqdayna waxaan u sii deyn waayay, waxaan isdhi intii la odhan lahaa waa Nin dadka iska xidha oo markii doonana sii daaya, sharciga ku kala baxa, markaa inantaasi waxay ku kacday Fal anshax xumo ah oo ay cadeeyeen shirkadihii Isgaadhsiinta iyo Hay’adaha xuquuqda Aadamuhu, markaa waxay ahayd in Haweenku Anshaxa ku dambeeyaan”.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog: Wasiir Mashaariicda Biyo balaadhinta Caasimada Hargeysa faahfaahin naga sii qaabka ay xukuumaddu u qorsheysay?
Xirsi:balaadhinta adeegyada Biyuhu waxay ka mid tahay waxyaabaha xukuumaddu xooga saarayso, magaalada Hargeysa oo muhiimadda ugu weyn la siiyay Saddex Mashruuc oo biyaha lagu balaadhinayo ayaa ka socda, mashruuca koowaad waxa weeyaan Dhuunta Biyaha ka soo qaadda Geed-deeble oo la bedelayo, waxaana la dhigayaa dhuun soo qaada 24 M/C waxana ku baxaysa lacag Hal milyan iyo badh ku dhow , mashruuca Xaraf waxa isagana lagu waraabinayaa afar xaafadood oo waaweyn oo ay dad Masakiin ahi degenyihiin, waxaana ku baxaysa lacag ilaa 300,000 ah, Xumbo weyne isagana waxa laga soo saaraya biyo cusub , markaa mashaariicdaasi waxaan qabaa inay wax badan ka tari doonaan biyo-yaaranta caasimada”.
Xildhibaan Xoog: Wasiir Wasaaradda aad Maamusho Imisa hay’adood oo madaxbanaan ayaa hoos yimaada?.
Xirsi: Wasaaradda madaxtooyada waxa hoos yimaada Hay’adaha horumarinta Waddooyinka Qaranka oo qudha, taasoo Wasiirkii maamulayay iyo guddi madaxbanaan oo madaxweynuhu u saaray sidii loo horumarin lahaa ay ku taliyeen in wasaaradda madaxtooyada la hoos-geeyo, waanay noogu jirtaa qorshaha in laga dhigo hay’ad madaxbanaan, markaanu dhisno Hay’ada sharcigeeda, dhaqaalaheeda iyo maamulkeedaba , laakiinse dhamaan Hay’adaha kale ee madaxbanaan ee dawladu waxay hoos-tagaan Madaxweynaha magacaabay”.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo fadhigaasi Maanta su’aalo kale oo tiro badan ku waydiiyeen, balse aanu ka soo qaadanay intii ugu muhiimsanayd ayaa shirguddoonka Goluhu xildhibaanada ku war-geliyay in wixii warbixin ah ee ku hadhay Salaasada soo socota golaha hortiisa lagu waydiin doono.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com