Hargeysa(GNA)-Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleban Ciise Axmed Kaar, ayaa u muuqda Nin Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku qanciyay inay gacantiisa ku jirto Nabad-gelyada iyo ogolaanshiyaha Maamul ee Bulshada Deegaada gobolka Buuhoodle ee uu ka soo jeeddo oo aan teer iyo wakhti dheer bulshada degtaa marna ku soo wada dhicin dhabaha gooni-isutaaga Somaliland, aaminsana fikiro kala duwan oo ay lugooyo iyo dib u dhac baahsan ka dhaxleen.
Wasiir Xaglo-toosiye, ayaa si rasmiya ugu fashilmay mideynta, isu soo uruurinta iyo la hadalka mujtamaca ka soo jeeda gobolkaasi oo qayb ka ahaa Bulshooyinka Goboladda Barri ee uu Madaxweynuhu gogosha nabadeed u fidiyay laba sanadood iyo dheeraad ka hor.
Tan ayaa sababtay in dad badan oo ku soo dhiiran lahaa inay la hadalka Dawlada, si ay weydiistaan waxay tabanayaan iyo rabitaankooda biyo kama dhibcaanka ah oo u badan in nabad waarta la dhex dhigo Beelihii Dirirtu ku dhex martay Deegaanka KALSHAALE iyo inay bog cusub oo nabaddeed lagu bedelo Xiisadihii kala dambeeyay ee ka dhacay gobolkaasi.
Inkasta oo Wasiirku markii uu dhinaca Somaliland soo galay, rejo weyn laga qabay inuu horseed ka noqon doono talaabo kasta oo lagu xalin karo khilaafkii siyaasadeed iyo colaadii ka dhex loosnayd Somaliland iyo deegaamadiisa, hada waxa muuqata mudo sanad iyo dheeraad ah inaanu haynin dariiq lagu so oaf-jari karo arimihii jiray, balse xiisadii taagnayd iskeed u qabowday, wax hortaagina aanay jirin inay mar labaad soo cusboonaato, hadii aanay xukuumadda siilaanyo dhamaystirin dedaalkii nabadeed ee ay ku baaqday, lana hadlin Odayaasha dhaqanka, wax-garadka , aqoonyahanka Gobolka, gaar ahaan Ashkhaas qurbo-joog ah oo la sheegay inay qaarkood mudo badan raadinayeen dariiq ay xukuumadda kula xidhiidhaan, markii ay waayeena candhuuftooda dib u liqeen, kuwana wali ku goobiyayaan inay ka gu-gaadhaan isku day ay ku doonayaan inay bulshada deegaamadooda iyo dawlada isugu soo dhaweeyaan.
Ficiladda Wasiirka caafimaadka md. Xaglo-toosiye ku lumiyay yihdi-diiladii laga qabay rejo uu soo nooleeyo , waxa ka mid ah carqaladaha uu ku hayo xal u helida mushkiladihii hore, kala qaybin iyo iska horkeen uu ka dhex abuuray Golaha deegaanka ee Degmada Buuhoodle loo doortay sanadkii hore oo aan ilaa wax shaqo ah qaban, isla markaana aan ka ag-wareegin deegaamadii mudaneyaasha qaarkood laga soo doortay, kana dhamaan la’ Burco iyo Hargeysa.
Waxa kale oo ka mid ah Lunsiga Mucaawimooyin bulshada gobolka loogu talo-galay oo qayb ka mid ah Burco ku iibiyay intii aan loo soo bedelin Wasaaradda caafimaadka ee uu Wasiirka dib-dejinta ahaa iyo ka hortaga talaabo kasta oo dadka siyaasiyiinta iyo wax-garadka isugu jira ee Gobolka u dhashay isugu dayaan inay dawlada iskood ugala macaamilaan, amase ka hadlaan arimaha Gobolka, baahiyaha jira iyo sidii maamulka loo gaadhsiin lahaa.
Geesta kale, wasiirkan ayaa inuu mideeyo dadkii Gobolka iska daaye, kala qaybsanaan dhex dhigay kuwii Caasimada joogay ee deegaamada ka soo jeeday, isagoo dhanka kalena suuqa ku sii daayay Askar ka tirsan Ciidankii hubaysnaa ee uu Buuhoodle ku difaacan jiray oo isaga iyo Wasiirka Madaxtooyadu heshiis hub ka dhigis ah Telefoonka kaga saxeexeen, ka dib markii ay Hargeysa yimaadeena muddo kooban ka dib uu Al-baabka ka xidhay, kana saaray hudheeladii dawladu dejisay.
Askartaasoo dhawaan warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in hawshooda oo ahayd qarameyn iyo in qorshe loo sameeyo Wasiir Xaglo-toosiye loo xilsaaray, isna uu suuqa ku sii daayay, iyagoo intaasi ku daray inay arintaasi u arkaan lugooyo cad oo dawlada Somaliland u geysatay.
Shakhsi ahaan Wasiir Xaglo-toosiye waa nin Dhalinyaro ah oo mudo badan qurbaha ku maqnaa, aqoon iyo waayo aragnimo siyaasadeedna aan lahayn, isla markaana aan xidhiidh sal balaadhan la lahayn Bulshada Gobolka, waxaana soo if-baxa dabeyshiisa siyaasadeed u horaysay sanadkii 2007-dii markii uu Madaxweynaha isaga sharaxay Maamulka puntland, taasoo guul-daro uu kala kulmay ka dib qurbo-jooga reer Buuhoodle taageero uga helay aasaaska maamulkii la baxay SSC, oo ujeedada ka dambeysay ay ahayd qabsashadii Somaliland ee gobolka Sool iyo in lagu difaaco Buuhoodle si aanay Somaliland isna u qabsan.
Kuma tamarin Maamulka SSC, qorshe siyaasadeed oo Xaglo-toosiye hormuud ka ahaa, balse wuxuu muddo ku sii jiray abaabulkii Bulshada qurbo-jooga ah ee Goboladaasi u dhashay , kuwaasoo arkayay inay Somaliland ku soo duushay, hase ahaatee dhamaadka Mashruucii ka gubtay Wasiir Xaglo wuxuu ahaa markii qalabadda dadkii Taageersanaa ay la wareegeen Cali Khaliif iyo aasaaseyaashii Khaatumo State, taasoo aan waxba ka horeyn markii uu Hargeysa u soo goostay.
Waxaanay taasi tusaale cad oo aan la dafiri Karin u tahay inaan siyaasada wasiirkan ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo SHAADH-ka ka weyn u gelisay sal balaadhan lahayn, dhaafsiisanayna Guriga uu ka degenyahay Hargeysa, iyadoo dadka aqoonta dheer u leh laftoodu ay walaac ka qabaan sida uu uga soo bixi karo shaqada wasaaradda Caafimaadka ee loo dhiibay oo ka mid ah hay’adaha dawliga ah ee xaasaasiga ah.
Sidaasoo ay tahay walaaca laga qabo Miisaanka maamul ee uu leeyahay, ayaa rajo-beel ka dhigaysa yoolka Madaxweyne Siilaanyo ka leeyahay inuu fuliyo oo ah sidii Maamulka loo gaadhsiin lahaa Buuhoodle iyo in Maslaxad waarta laga dhex abuuro Bulshada gobolka oo dirir hore dhex taalo iyo Dawlada oo Ciidamadeedu Dagaalo soo noqnoqday la galeen Maleeshiyaad Deegaanka u dhashay oo Fikirkiisa iyo kuwa siyaasiyiinta Khaatumo difaacaya.
Taasoo hir-gelinteedu aanay qof iyo qofyaal kooban ku xidhnaan Karin, balse ah arin wada taala isaga iyo siyaasiyiinta kale ee Gobolka u dhashay, kana miisaan weyn arin lagu gorfeeyo guri dhawr qof ku kulanto iyo in wasiir loo gacan geliyo wax kasta oo deegaanka loogu talo-galay, waayo dadka deegaanka laftoodu maaha kuwo isku aragti noqon kara, isku dan noqon kara ama talo ka wada dhegeysan kara Wasiirka.
Maxaa yeelay?, waxa jira kuwo ku xidhan wasiiro ugu jira Maamulka Puntland iyo kuwo dhinacyo kale la haysta oo aan waxba ka dhegeysanayn Saleban Ciise Axmed iyo ashkhaas masaalkiisa, inkasta oo aan la dafiri Karin inuu xiliyada qaar taageero badan ka haystay dadweynaha Gobolka.
Si kastaba ha ahaatee marka dareenka bulshada deegaanka laga hadlayo la cabiro,magacaabista iyo buun-buuninta Wasiirka Caafimaadka Somaliland ee Hargeysa maaha mid wax ugu jilan Kumanaanka qoys ee dawlad amaankooda ilaalisa iyo maamul dawli ah oo ka shaqeeya horumarinta adeegyada aasaasiga ah aan midna haysan, kuwaasoo sida cad aan xiligan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka filayn inay fuliso qorshe baahiyahaasi lagu daboolayo, balse cabsi iyo inay la soo weeraraan Ciidamada qarnku difaac kaga jira.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com