Ceerigaabo(GNA)-Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, waxa Maanta ka bilaamay hawl-gal lacag ka bedel ah oo lagu dabar-jarayo lacagta shilin Somaliga ah ee Goboladda Bari Somaliland laga isticmaalo, taasoo faro-baas ku haysay dhaqaalaha Gobolka, ka dib markii dhawaan lacago foojari ah oo dhinaca Puntland uga oo gudbay Khal-khal geliyeen dhaqaalaha Gobolka.
Ilaa toban Goobood oo lacagta somaliga ah loogu bedelayo shilinka Somaliland ayaa laga furay Magaalada Ceerigaabo, waxaana dadka fursad loo siiyay inay mudo 48 saacadood ah ku bedeshaan lacagta somaliga ah ee gacantooda ku jira, wixii xiligaasi ka dambeeyana qofka lagu qabto isagoo wax ku iibsanaya ama ku iibinaya shilinka somaliga dambille loo aqoonsanayo, isla markaana talaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo.
Dadweynaha ayaa teer iyo saaka safaf ugu jira meelaha loo asteeyay hawshan, waxaanay ka faa’idaysanaayan wakhtiga la siiyay oo aad u kooban, kaasoo soo gabagaboobaya Maalinta sabtida gelinka hore, sida ay Saraakiisha Baanka oo hawshan gacanta ku hayaa Gobanimonews u sheegeen.
Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cabdi Dirir Cabdi, ayaa bilowgii hawsha saaka warbaahinta u sheegay inay talaabadani qayb ka tahay qorshe dalka lagu wada gaadhsiinayo Lacagta Somaliland, laguna dabar-jarayo lacagihii somaliga ahaa ee hore loo isticmaali jiray, waxaanu intaasi raaciyay in hawshan uu fulinayo Baanka dhexe ee dawladu.
“Saaka waxaanu magaalada Ceerigaabo ka bilownay sidii lacagta dalka loogu isticmaali lahaa, toban goobood ayaa laga sameeyay Magaalada oo lagu bedelayo lacagta, waxa la siiyay dadka mudo 48 saacadood ah, wixii ka dambeeyana qofkii lagu arko lacagta somaliga wuxuu noqonaaya dambiile, waxaana la marinayaa sharciga”ayuu yidhi Cabdi Dirir Cabdi.
Waxaanu intaasi raaciyay “hawshaa waxaanu doonaynaa inaanu Goboladda bari oo dhan lacagaha ay isticmaalaan ee dhibaatada ku haya ka bedelno, waxaanan uga mahad naqaynaa Madaxweynaha Somaliland”.
Geesta kale Bulshada ku dhaqan Magaalada Ceerigaabo ayaa si weyn u soo dhaweeyay mashruucan wax lagaga qabanayo saameynta dhaqaale ee Lacagta somaliya ku yeelatay Gobolka, taasoo bay yidhaahdeen meesha ka saaraysa go’doonkii dhaqaale ee Gobolku kaga jiray dalka intiisa kale iyo jahawareerkii maalmahanba taagnaa.
Xukuumadda ayaa sanadkii 2011-kii lacagta Kiimbaarta ka bedeshay Gobolka Togdheer,gaar ahaan Magaalaga Burco oo hawsha xadiga ugu badan ee dhaqaalaha Gobolku yaalay, waxaanay taasi si lama ilaawaan ah wax uga tartay isku xidhnaanshaha dakhliga Bulshada iyo isla socoshada sarifka iyo suuqyada Ganacsiga.
Ma cadda ilaa hada xajmiga lacagta laga bedelayo Ceerigaabo iyo in wax qiimeyn aah lagu sameeyay ka hor intaan hawsha la bilaabin, balse talaabadan ayaa hadii guul laga gaadho noqonaysa mid wax weyn ka tarta isla-jaanqaadista goboladda dalka ee dhinaca Lacagaha, inkasta oo uu yahay Gobol ku xidhan Gobolada Puntland oo lacago kala duwan oo Somali ahi jahawareer ka abuureen suuqyada Sarifka iyo Ganacsiga.
Baaxadda gobolka Sanaag ayaa iyaduna ah dabraysa in qadarka lacagta Somaliland ee meesha la geeyay iska caabiyi karto ta la madnuucay Ixticmaalkeeda, waxaanay taasi ku xidhantahay hadba sida ay hay’adaha dhinaca Dakhligu hawshan xil-isaga saaraan socodsiinteeda.
Gobolka Sanaag ee Magaalo madaxdiisu tahay Ceerigaabo ayaa ah Gobolka baaxad ahaan ugu balaadhan Somaliland, waxaana hoos yimaadda degmooyin badan oo xeebta ku teedsan iyo kuwo Bariga ah oo aad u balaadhan.
Gobanimonews
Ceerigaabo Office
Email: editor@gobanimonews.com