Paul Pogba ayaa la weydiisan doonaa inuu qaabeeyo ciyaarta Juventus xilli ciyaareedkan marka Andrea Pirlo uusan joogin, sidaasi waxaa yiri Antonio Conte.
Xiddiga Faransiiska ayaa haatan loo isticmaalaa dhanka bidix ee seddex khadka dhexe madaama uu dhaawac ku maqan yahay Claudio Marchisio.
Laakiin Conte oo u hadlayay Corriere dello Sport ayaa qaba in Pogba uu awood u leeyahay inuu ka ciyaaro booska kubadsameeyaha hadii loo baahdo.
“Pirlo waa horyaal oo aysan jirin qof la mid ah, ma jirto qof isagoo kale ah oo jooga Italy xitaa hadii qaar ay soo fiicnaanayaan, habdhaqankiisa iyo sida uu wah u jaheeyo waxa uu niyada u dejiyaa kooxda” ayuu yiri Conte.
“Inkastoo aan sidaas leeyahay, Pogba waxa uu buuxin karaa doorka ku xigeenka Pirlo. Taas waaba uu soo sameeyay xilli ciyaareedkii hore, hadii loo baahndana waxa uu buuxin karaa booska Andrea xitaa hadii ay kala duwan yihiin dhanka dabeecada.
“Paul waa khad dhexe casri ah kaasoo ka ciyaari kara boos kasta oo khadka dhexe ah sababtoo ah awoodiisa jir ahaaneed, taam ahaanshihiisa iyo awooda uu u leeyaahy inuu weerar tago.
“Waa ciyaaryahan dhameystiran, inkastoo uu yahay ciyaaryahan weli boos uu isku horumariyo ay u banaan tahay.”