Thursday, September 5, 2013

SL: Wasiir Geedoole oo dib uga soo laabanaya Safar uu Nairobi ku tegay iyo Siidhkii Gabiley uu ku beeray oo khatar lagu sheegay


Hargeysa(GNA)-Wasiirka Beeraha Somaliland ayaa Booqasho ku jooga Magaalada Nairobi  ee Caasimada dalka Kenya, halkasoo uu kaga qayb-galay shirweyne sanadle ah oo lagaga hadlayo horumarinta Beeraha ee Mandaqada.




Faarax Cilmi Geedoole ayaa Berri la filayaa inuu dalka dib ugu soo laabto, ka dib markii uu soo dhamaystay safarka uu ku tegay Nairobi ee uu kaga qayb-galay shirkaasoo labada Maalmood socday sida noo xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Beeruhu.




Faahfaahin dheeraad ah lagama hayo waxyaabaha wasiirku kulankaasi la shir tegay iyo natiijada uu kala soo guryo noqday, hase ahaatee saraakiisha Beeruhu waxay intaasi ku darayaan in muhiimada shirku ahayd sidii mashaariic horumarineed oo dhanka wax soo saarka ah looga munaaqishoon lahaa sida loo fulin karo, waxaana ka soo qayb-galay khubaro ka socota Hay’adaha qaramada midoobay ee Beeraha iyo cuntada, kuwaasoo soo qabanqaabiyay Shirka.




Dawlada Somaliland ayaa dhawaan Shirkad laga leeyahay dalka Maraykan ka heshay Siidh qiimihiisu ku kacay laba Milyan oo Dollar, kaasoo tijaabadii ugu horaysay lagu sameeyay Beer ku taala duleedka Magaalada Gabiley.




Siidhkan dawladu ka heshay Maraykanka oo aan wali tijaabo ka bixin, sida Wasaaradu sheegtay, ayaa dadka aqoonta u leh dhinaca Beeruhu sheegeen inuu khatar u yahay nolosha iyo Mustaqbalka Beeraha waddanka hadii lagu beer, iyadoo digniintaasi ay ka dhalatay cabsi weyn oo soo waajahday dadka Beeralayda ah ee Gobolka.




Sidaasoo ay tahay dawlada ayaa doonaysa inay mashaariic badan geliso horumarinta wax soo saarka Beeraha, kaasoo muhiimad khaas ah laga siiyay Sanduuqa Mucaawimooyinka Somaliland oo dhawaan waxyaabaha lagu fulinayo hawshoodu dalka ka bilaami doonto, sida uu todobaadkii hore Gobanimonews u sheegay Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shirre.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com