Real Madrid ayaa ku soo dartay saxiixyadeeda cusub Gareth Bale, Isco iyo Asier Illarramendi 23ka ciyaaryahan ee ay u xusheen xilli ciyaareedkan wareega group-yada Champions League.
Kabtanka aan booska joogtada ah heysan Iker Casillas ayaa sidoo kale ku jira, si la mid ah da’ yarta Alvaro Morata, Casemiro, Dani Carvajal iyo Jorge Casado.
Los Blancos ayaan Champions League ku guuleysan tan iyo 2002dii markaasoo ay ka qaadeen Bayer Leverkusen, iyadoo habeenkaas ay geesiyaal u ahaayeen Zinedine Zidane tababare ku xigeenkooda haatan iyo halyeeygooda Raul.
Xilli ciyaareedkii hore waxa ay ku hareen semi-finalka iyadoo ay reebtay kooxda Borussia Dortmund, laakiin xilli ciyaareedkan hamigooda ayaa ah inay qaadaan koobkoodii 10aad ee Champions League.
Goolhaye: Casillas, Fernandez, Lopez
Daafac: Varane, Pepe, Ramos, Coentrao, Marcelo, Carvajal, Arbeloa, Nacho, Casado
Khad Dhexe: Khedira, Bale, Alonso, Casemiro, Modric, Di Maria, Isco, Illarramendi, Garcia
Weerar: Ronaldo, Benzema, Rodriguez, Morata