Monday, September 2, 2013

SL: Shirkadda Daallo Air lines oo dib u bilowday Duulimaadyadeedii Hargeysa iyo Dunida + Diyaarad ay leedahay oo Maanta Daah-furtay


 








Hargeysa(GNA):-Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo Airline oo ah shirkaddii ugu weyn dhinaca Duulimaadyada ee Geeska Afrika, gaar ahaan Somaliya, ayaa maanta si rasmiya dib uga bilowday Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa oo muddo sanad ku dhaw dib dhis ka socday.




Diyaarad ay leedahay Shirkaddu oo Casri ah, kana soo duushay Magaalada Muqdisho, isla markaana ku sii jeeda Magaalada Jeddah, ayaa soo cago dhigatay Madaarka, taasoo isla maantaba dib uga duushay halkaasi, ka dib markii ay dad Rakaab ah ka qaaday.




Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada oo maalintii labaad Madaarka u jooga dhamaystirka duulimaadyada Madaarka  iyo Maamulka Shirkadda Daallo oo halkaasi ku soo dhaweeyay Diyaarada Daallo ee leedahay oo noqonaysa Diyaaradii labaad ee  Duulimaad ku timaada Gegida Caalamiga ah ee Cigaal, ayaa ka waramay habsami u socodka duulimaadyada madaarka ka bilaabay, waxaanay bulshada ku wargeliyeen inay si rasmiya u bilaameen Duulimaadyadii Hargeysa iyo Caalamku.




Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay imaanshiyaha diyaaradan ayaa sheegay in bilowga Duulimaadyada Madaarka Hargeysa farxad weyn u tahay, gaar ahaan diyaarada Daallo Airline, waxaanu yidhi “farxad weyn ayey noo tahay inaanu maanta soo wareejino duulimaadyada diyaarada Daallo Air Line  kaas oo ka bilaabmay garoonka diyaaradaha ee caasimada sidaasaana lagu waddi doonaa Duulimaadyada diyaaradaha kale”ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi.




 



Waxaanu intaasi ku daray “waxaana lagu dari doona garoonka qaybo kale oo dheeeraada si ay diyaaradaha ugu waa wayni u yimaadaan halkan, waxaanu doonaynaa inaanu qarankan ganacsigiisa dhiiri gelino  inaanu dad badan oo maal gashadayaal ah soo jiidno taasina waxay u baahan tahay inaynu helno Dekedo wanaagsan, garoomo diyaaradeed oo wanaagsan iyo waddooyin wanaagsan, siyaasadaas ayeyna xukuumadani ka duulaysaa”. Ayuu yidhi wasiirka duulista iyo hawada Somaliland.




 



Geesta kale Maamulaha guud ee Shirkada Diyaaradaha Daallo Muniir X. Cabdilaahi  Abu Site oo ka hadlay daah-furka dib dib u bilowga Duulimaadyadii Shirkaddoodu ka fulin jirtay Hargeysa tan iyo sanadihii Sagaashamaadkii iyo Macaamiisha Shirkadda iyo Bulshada Somalidaba ku war-geliyay in Daallo bilowday Duulimaadyadii Hargeysa iyo Dunida ay isaga gooshi jirtay.




“maanta waxa madaarka caasimada Hargeysa ka soo degay duulimaadkii ugu horeeyey ee diyaarada Daallo AirLines kaas oo ka yimid magaalada Muqdisho kuna socda magaalada Jida, waxaanan u sheegaynaa dadweynaha in duulimaadyadii Diyaarada Daallo ay ka bilaameen garoonka diyaaradaha ee caasimada Hargeysa”ayuu yidhi maamulaha shirkada  Daallo Air line Muniir Abu Site.




Dhinaca kale Duuliyaha Diyaaradan maanta soo fadhiisatay Maadarka Hargeysa ayaa xaqiijiyay in dib u dhiska Madaarka lagu sameeyay marka loo eego xaalada uu ku soo degay aad u wanaagsanyahay, waxaanu tilmaamay in horumar fiican lagu sameeyay Dhabaha diyaaradaha.




Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo Airlines, ayaa muddo dheer ka shaqaynaysa duulimaadyada Somaliland, Somaliya, wadamada kale ee afrika iyo duwalka Caalamka, waxaanay dadka somalida si weyn uga saacidi jirtay tan iyo markii waddanku bur-buray xaga duulimaadyada oo baahi weyn loo qabay.




Dib u bilowga Duulimaadyadeeda Hargeysa, ayaa ku soo beegmay xili uu bilaamayo Safarka Xajka oo dad  badani ka tagaan Mandaqada, waxaanay tani faa’ido weyn ugu fadhidaa xujaajta oo markii hore laga walaacsanaa inay ka dhoofaan Berbera.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com