Qahira (GNA) Dacwada soo oogaha dalka Masar ayaa sheegay in la maxkamadayn doono Madax waynihii xilka afganbiga loogaga tuuray ee Max’ed Mursi kaasi oo loo soo jeediyay eedaymo la xidhiidha dilka dad dibad baxayaal ah.
Eedaymaha uu dacwad soo ooguhu u jeediyay Mr Mursi ayaa waxaa ku jira dilka todoba ruux oo ka qayb qaadanayay dibad baxyo bishii December ee sanadkii hore ka dhacay afaafka hore ee xarunta madax tooyada magaalada Qaahira.
Mr Mursi ayuu sheegay dacwad soo ooguhu inuu wajaho eedaymo kale in kastoo ay yihiin eedaymahani kuwii ugu horeeyay ee lagu maxkamadeeyo.
Dacwad soo oogaha dalka Masar ayaa sidoo kale soo hadal qaaday 14 kale oo ka tirsan ururka Aqwaanul Muslimiinka kuwasi oo iyagana la soo taagi doono maxkamad isla markaasina loo soo jeediyay eedaymo kuwaasi la mid ah.
Max’ed Mursi oo isagu ah madax waynihii sida dimoqraadiga ah lagu soo doortay ee dalka Masar isla markaasina ay Militeriga dalka Masar afganbiga xilkaasi uga tuureen ayaa wali waxaa lagu hayaa goob qarsoodi ah tan iyo bishii July ee la afganbiyay.
Tan iyo markii xilka afganbiga loogaga tuuray Mr Mursi ayaa waxay militeriga dalka Masar la tacaalayeen taageerayaasha ururka Aqwaanul Muslimiin oo dalbanayay in la sii daayo Madax waynihii la soo doortay dibna awoodiisa loogu soo celiyo.
Diyaariye:C/qaadir Askar
Gobanimonews-Staff