Borama(GNA)Mudaneyaasha Golaha Deegaanka Boorama ayaa fadhigoodii Maanta xil ka qaadis ku sameeyay saddex ka mid ah Guddoomiyeyaasha hoosyaadyada Golahaasi oo ay ku eedeeyeen gaabis shaqo.
Fadhigan oo qayb ka ah kalfadhigii 3aad ee golahaasi oo socda, ayaa xilalka lagaga qaaday xubno uu ka mid yahay Guddoomiyihii Guddi hoosaadka Maaliyada ee Golaha iyo laba xubnood oo kale, sida uu sheegay Guddoomiye ku-xigeenka golaha Deegaanka oo markii fadhigu dhamaaday warbaahinta la hadlay.
"Waxaanu maanta cod aqlabiyad ah kaga qaadnay xilkii sedex xildhibaan oo hogaaminayay qaar ka mid ah gudi hoosaadyada golaha, waxana ay sedexdaas xildhibaan kala yihiin Xil. Sh. Ibraahim Axmed Liibaan oo madax ka ahaa waaxda Nabadgalyada, Xil. Sh. Bade Muuse Gaafane oo madax ka ahaa waaxda Dhulka iyo XIl. Axmed Muxumed Catoosh oo madax ka ahaa waaxda Maaliyada iyo Lacagta, waxana sedexdan xildhibaan xil ka qaadistooda u codeeyay 15 xildhibaan oo golaha fadhiyay halka aanu shir gudoonku ka codayn" ayuu yidhi.
Waxaanu Isaga oo hadalka sii wata intaasi ku daray "Waxa sababay xil ka qaadistan ka dib markii ay goldaloolooyin badan ka soo baxeen hawshii aan u igmanay, isla markaana ay noo muuqatay inaanay sii wadi karin xilka loo igmaday oo ay ku fashilmeen inay warbixin cad soo hor dhigaan golaha, waxana waajib noqotay in jiho kale oo wax qabad ah looga dhaqaaqo xilkana laga xayuubiyo xildhibaanadaas, maalmaha soo socda ayaanan magacaabi doonaa xildhibaanada xilkaasi buuxin doona".
Golaha deegaanka ayaa sidoo kale fadhigoodan digniin uga diray Maayirka Boorama Saleebaan Xasan Xadi oo fadhigaasi ka maqnaa, balse ku cudur daartay inuu hawl shaqo oo muhiim ah kaga maqnaa.
"hawsha iyo waajibka na saarani waa balaadhan yahay, waa muhiim inaan xaadiro kulanada la xisaabtanka iyo saxida ah ee golahu leeyahay, waxa kale oo tan bar bar socota hawl aad u balaadhan oo ah hawshii fulinta D/Hoose oo aanan daqiiqad laga fadhiisan karayn, sidaas aawadeed, waxa aan mudnaanta siiyay maalmahan u dambeeyay hawsha badan ee dhinaca dadwaynaha ah ee aan masuulka ka nahay, kalfadhiga golahana waxa aan u ahayd diyaar inaan ka qayb galo oo xildhibaanada kala qayb qaato wax walba oo talo, tusaale, toosin iyo tilmaamid ah oo ku aadan hormarka magaalda Boorama"sidaasi ayuu yidhi Maayir Saleban oo Warbaahinta uga waramay sababta maqnaanshiyihiisa fadhiga.
Gobanimonews
Boorama Office
Email: editor@gobanimonews.com