Muqdisho(GNA)-Hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Kismaayo, kadib markii uu shalay dib ugu laabtay ayaa sheegay inuu fashilmay qorshe la doonayay in maamulkiisa lagu rido.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Dhexe ay qabatay shaqo wanaagsan oo horumar leh, isagoo tilmaamay in shirkii Addis Ababa uu ahaa guul taariikhi ah oo dhamaan dadka Soomaaliyed ay horumar u aheyd.
"Dowladda dhexe shaqada ay qabatay arrin horumar ah oo xaqiiqdii guul taariikhi ah bey aheyd oo dadka Soomaaliyed horumar u aheyd"ayuu yiri Axmed Madoobe oo ka hadlayay heshiiskii Addis Ababa lagu saxiixay.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in mar dowladda laftirkeeda ay shaqo ka dhigatay Kismaayo iyo Jubaland, intii uu taagnaa khilaafka, isagoo tilmaamay inay jiraan dad doonaya in rootiga maraqa kula daartaan arrimaha Kismaayo oo ugala jeeday in maamulkiisa ay dhinac ka soo galaan ama ka carqaladeeyaan sida uu yiri.
"Dowladda laftirkeeda waa yahan shaqo kale ma aanay qabaneyn oo shaqadeeda unbaa aheyd oo aan aheyn Jubaland iyo kismaayo maxaa ka jira, dadka nin kasta rootigiisa wuxuu rabay inuu kismaayo kula daarto, filimkaas wuu istaagay, sheeko intaa ku dhamaatay weeye, rooti dambe meel lagu daaran Kismaayo maraqaas kula soo dhuuqayaa maraqa aaway waxaas waa sheeko laga tagay"ayuu yiri Axmed Madoobe.
Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u taalo wixii hada ka dambeeyay qaabkii loo dhameystiri lahaa maamulka, isla markaana dadka deegaanka ugu fududeyn laheyd, isagoo cadeeyay inay arrintaas soo dhoweynayaan.
Axmed Madoobe ayaa muddo labo sano si KMG ah u hogaaminaya maamulka Jubooyinka, iyadoo muddo lix bilood uu gacanta ku heynayo Dekeda iyo Air Madaarka Kismaayo.
Gobanimonews
Muqdisho Office