London(GNA)-Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Maamulka Khaatumo ayaa sheegay inaan Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shirre sii joogi Karin Degmada Taleex ee gobolka Sool, kana fulin Karin mashaariicda uu sheeganayo inuu halkaasi ka dhisayo.
Waraysi uu siiyay Telefishanka Somalichanel oo maalmahanba uu Telefishanku u xayeysiinayay, bixina doona doona Jimcaha soo socda, ayuu Cali Khaliif ku sheegay in imaanshiyaha Gen Cabdisamad ee Taleex salka ku hayso Olole Doorasho, taasoo uu taageero kaga raadinayo bulshada Degmadaasi.
“Cabdisamad Cali Shirre Taleex ma sii joogayo wax uu ka fulin karaana ma jirto, laakiinse faroole wuxuu ka doonayaa inuu Taageero u keeno oo Doorasho ayuu ku jiraa markaa wax uu ka qaban karaa ma jirto mana sii joogayo”ayuu yidhi Dr Galaydh.
Maamulka Khaatumo ayaa Degmada Taleex lagu aasaasaay mudo ka hor, waxaana dhawaan soo gaadhay oo si weyn loogu soo dhaweeyay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shirre.
Gobanimonews
Hargeysa office
Email: editor@gobanimonews.com