Hargeysa(GNA)-Wasiirka Madaxtooyada somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta hortegay Golaha Wakiiladda, waxaanu warbixin guud ka siiyay Xaalada Siyaasadeed, nabad-gelyo iyo guud ahaan hawlaha dawlada u qorsheysan.
Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa khudbad saacado badan socotay ka jeediyay Golaha, waxaana sidoo kale halkaasi lagu waydiiyay Su'aalo badan oo la xidhiidha Shaqada wasaaraddiisa iyo hawlaha kale ee Qaranka.
Xirsi Cali Xaaji ayaa shaaciyay tobanaan Mashruuc oo horumarineed oo waddanka ka socda iyo kuwo u qorsheysan in mustaqbalka la fuliyo, isagoo si gaar ah u saantay arimaha Shaqo abuurista, mashaariicda Biyaha, Nabad-gelyada iyo siyaasadda arrimaha dibada oo uu sheegay inay meeqaam aad u sareeya gaadhay , dalkuna waajahay marxalad ka saraysa sidii caalamka looga qadarin jiray.
Wasiirka Madaxtooyadu warbixinta uu golaha siiyay oo mudaneyaashu sheegeen inay ka sal-balaadhantahay hawsha uu hayo, ayaa dhamaanteed waxa uu xildhibaanada dalka ku qanciyay in dalku meel wanaagsan marayo, isla markaana wixii qabsoomi karayay la qabtay iyo wixii kale lagu talo jiro in la fuliyo .
Su'aalo darandoori ah oo Wasiirka la waydiiyay waxa ka mid ahaa inuu Golaha u qeexo Xilka dhabta ah ee uu hayo, kaasoo aan ka ahayn Wasiirka Madaxtooyada, waxaanu kaga jawaabay.
"xilka anigu aan hayaa waxa weeye ka Madaxweynuhu ii magacaabay ee Dastuuriga ah ee halkan Golaha laygaga ansixiyay ee ah wasiirka Madaxtooyada, dalkuna wuxuu leeyahay hogaamiye iyo Maamul, madaxweynaha ayaa ah hogaamiyaha qaranka, aniguna waxaan ahay maamulkii uu wakiishay, isagaan maalin ka maalin u shaqeeyaa , laakiinse mudane waxaan kuu sheegayaa hadii shaqada wasiirka madaxtooyadu aanu hore u muuqan jirin, waxa la yidhi Booska qofku joogaa ma sameeyo qofka, laakiinse qofkaa sameysta shaqada"ayuu yidhi ayuu yidhi Wasiir Xirsi oo su'aashaasi uu waydiiyay Xildhibaan Mahdi Ibraahim Bbuubaa.
Wasiirka ayaa sidoo kale la waydiiyay su'aal la xidhiidha tirada Hay'adaha Madaxbanaan ee Wasaaradiisa hoos yimaada " Hay'adaha madaxbanaan ee Wasaaraddayda hoos yimaada waa Hay'ada Waddooyinka oo qudha"ayuu yidhi.
Arrimaha kale ee wax laga waydiiyay waxa ka mid ahaa Kiiskii Wasiirka iyo Gabadhii uu xidhay dhex maray iyo arrimo kale oo waaweyn la soco..
Warkan oo dhamaystiran Goor dhaw...
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com