Tuesday, September 3, 2013

Saxafi Ruug Cadaa ah Oo Geeriyooday David Frost 50-Sannadood Ayuu Ku Soo Dhexjiray Mihnada Saxaafada


(GNA) Saxafiga ruug cadaaga ah ee 50 sannadood oo cimrigiisa ka mid ah saxaafadda ku soo qaatay, David Frost ayaa ifka ka tegay. Waxaa David Frost uu ahaa saxafi waayihiisii dambe lagala socday telefishinka Al-Jazeera. Waxa uu si qaas ah u wareysan jirey mas’uuliyiinta ugu waaweeyn caalamka.




 




David Cameron, ra’iisul wasaaraha Ingiriiska ayaa tacsi u diray eheladii uu ka geeriyood Frost waxaana war tebiyaha telefishinku uu soo caan baxay sanadihii 60-maadkii. wararka ayaa sheegaya in Frost uu u geeriyooday wadnaha oo looga soo booday isagoo saaran markab kuwa dalxiiska ah ama Cruise ship.




 




Da, diisu waxa ay aheeyd 74-jir .waxaa barnaamijyada uu caanka ku ahaa ka mid ahaa That Was The Week That Was iyo The Frost Report,




Frost ayaa saarnaa markab u socday Southampton maalinimadii Sabtida waxaana lagu wadey in uu la hadlo rakaabkii markabkaas saarnaa oo u badnaa dad caan ah.




Frost, ayaa caan ku ahaa wareysigii uu la yeesha madaxweynihii Mareykanka ee Richard Nixon sanadu markey aheyd 1977-kii, kolkaas oo hogaamiyihii Mareykanka ay hadheysay fadeexadii caanka aheeyd ee Watergate.




Mar qudha ah ayaa qoyskiisa ay xalay sheegeen in Frost uu saarnaa markabka dalxiis ee “Queen Elizabeth” .




Madaxda ugu sareeysa caalamka iyo kuwa kala duwan oo xilalka haatan ka nasanayaa ayaa aad uga naxay markii ay maqleen in Frost uu geeriyooday. Dad caan ah oo milkiilayaal idaacadeed iyo Telefishinno ah ayaa sheegay inuu ka qeyb balaadhan ka soo qaatay  aasaaskii wakaaladahooda waxana ay tilmaameen in ay ka naxeen geerida Frost.




Barnaamijyadiisa ayaa badankood waxaa laga dhegaysan jirey BBC-da intii lagu jirey 1962 ilaa 1963-kii, kadib waxa uu u wareegay qeybta lahjadda Mareykanka.




Muddadaas uu cimrigiisa inta ugu badan ku soo qaatay warbaahinta reer Galbeedka ayaa waxaa mar uun laga war helay David Frost oo u soo wareegay telefishinka caanka ah ee Al-Jazeera ee fadhigiisu yahay wadanka Qadar.




Waxaa barnaamijkiisa uu ku wareysan jirey madaxda ugu sareysa siyaasadaha, barnaamijkiisa Al-Jazeera loo yiqiin “Frost Over World”




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com