Muqdisho(GNA)-Nabad-doon iyo Odayaal dhaqameedyo Aragtidooda ka dhiibtay Shir weynaha Qaran ee Maanta Muqdisho ka furmay ayaa dhaliilaya hanaanka loo soo qaban-qaabiyay shirkaasi, waxaanay tilmaameen inaanu waxba soo kordhinayn.
Waxa ay sheegeen inaan loo marin shirka dariiqii saxda ahaa ee la isugu keeni lahaa Umadda Soomaaliyeed, hayeeshee loo weeciyay waddo kale oo aan wax wanaag ah Umadda ku soo biirineynin sida ay hadalka u dhigeen.
Shirweynaha Qaran ee dib u heshiisiinta iyo talo-wadaaga somaliya waxa maanta furay Madaxaweyneha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud, waxaana loogu magac daray Shirweynaha Qaranka ee Siyaasadda iyo Tiigsiga 2016 oo muddo 5 cisho ah socon doona magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha waxaa ku wehliyey furitaanka shirkan sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeen iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fowzia Yusuf Haji Adam, Wasiiro, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa Magaalada, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM, safiirada dalalka safaaraduhu ka joogaan Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.
Xasan Sheikh Maxamuud oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey ayaa sheegay “ Dowladdu waxey isku qancisay in talada dalka laga qeybgaliyo dadka, oo intiina maanta fursadda u heshay ka soo qeybgalka shirkan, waxaan idiin sheegeynaa inaan dooneyno tallooyinkiina saliimka ah oo aad 5ta maalmood ku gorfeysaan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyin xor ah. Qaarkiin waa dad aan garanayo oo fahamsan caqabadihii la soo maray isla markaana aan ku tuhmeyno inay na siiyaan tallooyinkii aan uga wada gudbi laheyn caqabadaha jira. Shirar hore oo waxaa jiray aan qabannay oo runtii tallooyinkii ka soo baxayna ay xukuumadda ku howlan tahay dhaqangelintoodii. Waxaan rabnaa tallooyin ay ummadda Soomaaliyeed leedahay waana sababta aan shirkan muhiimka ah u qabaneyno. Shirkan waa mid Siyaasadeed, oo aan dooneyno dalkan inaan horumarka dowladda uu noqdo mid la sii joogteeyo, ilaa aan ka gaarno marxalad shacabku ku faani karo. Arrimaha idin horyaalla ayaa ah dib-u-habeynta dastuurka, sameynta xisbiyada siyaasadda, guddiga doorashooyinka, dhaqangelinta Federaalka, dib-u-heshiisiin iyo maamul wanaag oo intaba ah dariiqadii aan ku gaari laheyn doorashooyin xor ah.”
Madaxweynaha oo hoosta ka xariiqayey sida ay uga go’antahay in dalka doorashooyin la gaarsiiyo ayaa yidhi “Labo arrinba ma dooneyno inay dhacaan 2016ka. Marka hore inaan soo kalifno Madax dhaqameedyada oo ay noo soo xulaan xildhibaanadii iyo marka labaad inaan codsanno muddo kororsi (extension). Dariiqa kaliya ee noo furan waa inaan suurto gelinaa inay doorashooyin dhacaan. Waa dhici kartaa inaan fiirino qaabka iyo habka ugu habboon, oo deegaanada aan laga hirgelin Karin doorashooyin sidii loo heli lahaa qaab dadka deegaanka ay talo ku yeeshaan cidii matali laheyd. Goobaha nabadda ahna aan ka suurto gelino doorashooyin xor ah.”
Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii u soo jeediyay ka soo qayb-galayaasha shirka “Dowladda waxaa ka go’an in shirkan uu nqdo mid najaxa, oo fikir xor ah oo soomaaliyeed, oo si Soomaalinimo ah ugu shiraya dalkooda aad soo saartaan. Dowladduna waxey ballanqaadeysaa in tallooyinkiinna la dhageysto, isla markaana ay saldhig u noqdaan istiraatejiyadda iyo qorshaha dowladda. Waxaan markale idinkaga mahadcelinayaa, isla markaana idiin rajeynayaa shir guul ah, oo aad si dhab ah oo taxadar ah u gudagashaan howshiina idinkoo u madax-bannaan.”.
Inkasta oo shirkani muhiimadiisa leeyahay, in la soo dhaweeyana ay mudantahay maadaama uu yahay kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dalka ka dhaca wakhti dheer, hadana waxa jira caqabado badan oo ku xeeran natiijo kasta oo laga filayo, kuwaasoo qaarkood hadaba ay dibadda ka joogaan Shirka, soona baxayaan iyadoo aan wax macluumaad ah lagu falanqeyn.
Caqabadahaasi, waxa ka mid ah Dagaalada ka socda qaybo ka mid ah waddanka, maamulada hoos yimaada nidaamka Federaalka ah oo aanay qaarkood la dhacsanayn qabashadiisa, sida Puntland oo cadeysay inaanay waxba kala socon ujeedada shirkaasi iyo gaadhista go’aamo wakhtiga dhaw la mahadiyo oo aan looga baran bulshada somalida tan iyo markii ay bur-burtay Dawladii Milateriga ahayd ee Somaliya.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com