(GNA) baryahan danbe waxaa caalmka ku soo badanayay aaladaha iknolojiyada hadaba tiknoloojiyada ayaa la sheegayaa in marka sheey la sameeyo la isku dayo in ay adeega walaxdan halkaa laga anba qaado oo lagu sii daro adeegyo kale oo uu dheer yahay aaladaha ay isku midka yihiin.
shariikada samsun oo ah shariikad asal ahaan ka soo jeeda dalka kuuriyada kuna le xafiisyo badan caalamka ayaa aad looga deyrinayaa Talfoonka ay soo saarto oo ah samsung S4- kaas oo wax yeelo badan dunida daafaheeda dadku yeelay.
Nin sitay Telfoonkiisa ka Samsung Galaxy S4 ayaa wuxuu mar qura la kulmay Qarax xoogan oo Telfoonka ka dhashay, kaasi oo sababay inuu Gurigii uu deganaa Ninku ku Dab ka kaco, isagiina uu sidaas ku waxyeeloobo.
Ninkan oo la yiraa Dod ayaa sida Warbaahinta Mareeykanku ay qortay wuxuu ahaa mid fadhiya oo ku cayaaraya Telfoonkiisa xilligaas oo mar qura uu Qaraxu dhacay.
Waxaase yaab iyo kadis noqotay markuu Ninkan Dod la yidhaa Telfoonka ku tuuray Sariir agtiisa ahayd, dabadeedna si deg deg ah ayuu Dabku ugu faafay Sariirta, halkaas oo markii dambena uu Dabku Guriga oo idil iyo ilaa Gaadhi uu Ninku lahaa qabsaday dabku.
Dod iyo Xaaskiisa ayaa ka baxay Dabka guriga qabsaday , balse waxaa soo gaadhay Dhaawac fudud, iyadoo Ciidamada Dab Damiskuna ay 30 Daqiiqo ku qaadatay inay baqtiijiyaan Dabka ololayay.
Waxay Dab damisku sheegeen inaanay jirin wax Tuhun ah oo laga qabo inay Dhacdadani xidhiidh la leedahay Fal Dambiyeed, balse Baadhistu ay xaqiijisay in Sababta ugu wayn ee Dabkan dhalisay ay tahay Telfoonka oo Qarxay.
Dod oo ah Ninka dhibaatadu ay qabsatay ayaa sheegay in Telfoonkiisa Galaxy S4 uu watay Battery Asal ah, isla markaana uu u adeegsanayay Charger Asal ah, kaas oo uu soo iibsaday Maalmo yar ka hor inta aanu Telfoonku qarxin.
Waxaa la sheegayaa in Samsung iyo Apple Telfoonadoodu ay hore dhowr jeer Dhacdooyin Ceynkan ah u sababeen, inkastoo ay arrimahaasi Salka ku hayeen Adeegsiga Battery-ga ama Charger-ka oo aan Asal ahayn.
maha dhacdadani mid cusub labadii bilood ee aanu soo dhaafnay waxaa lagu soo waramayay in dalka japaan gabadhi ugu dhimatay moble keedii oo dabka ku jira ay ku hadal is tidhi dabadeed naftu halkaa kaga baxday taas oo markii ay qoyskeedu ku an dacoodeen in uu dilay inantoodu taleefankaa .taa waxaa ka horeeyay gabadh iyan isweedh ah oo markaa shaqo ku jirtay taas oo uu qarax laga ar gagaxo marqudha qabsaday labadan kiis oo imika shariikada samsung Gaxaxy uga dacwadaheedu wadamad arintan lagu arkay
Diyaariye:C/qaadir Askar
Gobanimonews.com