Friday, September 6, 2013

Muqdisho:Maxaa ka soo baxay Shirkii ka wada-tashiga Barmaamujka Higsiga cusub ee Bulshada la dhex dhigay?


Muqdisho(GNA)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo qorsheynta qaranka Abuukar Shiikh Cabdi Ibraahim ayaa maanta soo xidhay shir loo magac daray ka wada-tashiga barnaamijka Hiigsiga Cusub (New Deal) oo saddexdii maalmood ee ugu dameeyey ka socday magaalada Muqdisho.




Xubnaha ka qayb-gelay shirkan ayaa maanta ansaxiyey qorshaha dowladda Soomaaliya la hor-tegeyso shirka Brussels, kad dib markii ay talooyin muhiim ah ku biiriyeen, Bulshaduna doorkeeda ka qaadatay aaraa’da lagu qeexay.

Shirka oo ay qayb-galeen laamaha dowladda,xubno ka socday gobolada dalka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, ayaa  qorshihiisu ahaa in dadweynuhu ay aragtidooda ku biiriyaan barnaamijka xukuumadda Somaliya la tegayso shirka 16-ka bishan ka dhici doona magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka, kaasi oo beesha caalamka iyo Soomaaliya ay ku geli doonaan heshiis rasmi ah oo dhanka horumarinta ah.

Wasiir ku-xigeenka Maaliyada dawlada somaliya Abubakar Sh. Cabdi Ibraahim , ayaa dhamaadka shirka ka waramay waxa ka soo baxay iyo aragtida dawlada.




“Barnaamijka Hiigsiga Cusub waxaan soo wadnay dhawrkii bilood ee ugu dameeyey, waana meesha uu dalkani iska bedelayo, waxaana fikirkaan ka dhashay wada-tashigii dhex-maray dowladda Soomaaliya iyo dadweynaheeda. Kulamaddi aan la yeelanay bulshada waxaa ka soo baxay natiijo yididiilo leh oo astaan u ah soo-kabashada dalkeena. Waan ka mahadcelinaynaa dukumiintigan aad noo ansixiseen, dowladduna waa ay tixgelinaysaa taladiina, runtii marag ayaad ka ahaan doontaan meesha lagu bixiyo dhaqaalaha ay beesha caalamku siiso Soomaaliya kaas oo si xaq ah loo qaybin doono” ayuu yiri Wasiir Abuukar Shiikh Cabdi.
Waxaana Gabagabadii kulanka ayaa ka qayb galayaasha shirku waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen qodabadii ay ka doodayeen sedexdii maalmood ee ugu danbaysay.




Dawlada Somaliya ayaa u muuqata mid xooga saaraysay inay bulshada ka qayb-geliso Hindiseyaasha ay doonayso inay beesha Caalamka kala hadasho, sida arintan oo kale, laakiinse wali waxa jira gobolo badan oo aan arimaha socda fursad u helin oo ay ka taliyaan Kooxda Alshabaab oo dawlada Dagaal kula jirta.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com