Friday, September 6, 2013

Suldaan Siciid Y. Ducaale: Hudheelka Hargeysa Clube waxaan ugu shaqaystaa Sifo Sharci ah oo Dawladii Rayaale I siisay,lamana Iibin”.


Burco(GNA)-Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo ah Ganacsadaha Kiro ugu jira Hudheelka ay dawladu leedahay ee Hargaysa Clube ayaa sheegay inaanu Iibin Hadhka Hudheelkaasi, ka dib markii warbaahintu war arintaasi sheegaya qortay maalmahan




Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Gobolka Sanaag,  shir jaraa'id oo Maanta ku qabtay Magaalada Burco waxa uu ku sheegay inaanu haba-yaraatee wax lacag ah cid kaga qaadan Hudheelkaasi, kuna ganacsado.




'Waxaan rabaa in aan kaga jawaabo maqaalo isdaba joog ah oo ay qortay mareegta qaran oo ku saabsan arin aniga i khusaysa oo ka hadlaysa Hotelka dawladu leedahay ee la yidhaahdo hargaysa Clube kaas,laba sababood awgeed ayaanu uga jawaabayaa,ta koowaad waa in inaanu runta u sheegno dadka,ta labaadna waxa weeye inaanu doonayno inaanu sharciga horkeeno websiteka la yidhaahdo qaran,waayo dadku xaquuq buu leeyahay saxaafaduna xuquuq buu leeyahay,waayo waxa caado noqotay in dadkii shicibka ahaa ee caadiga ahaa  maalin walba been abuur laga qorayo”ayuu yidhi.




Waxaanu Suldaan Siciid isagoo ka hadlaya qaabka uu huteelka ugu jiro, sheegayana inaanu iibin  yidhi''Anigu waxaan hutelka ku haystaa liis oo dawladii tan ka horaysay ee Daahir rayaale ayaa igu siisay  sifo shrciyana waan ku qaatay xaqna waan u leeyahay hudheelkana dawldaa iska leh oo anigu waxaan ku haystaa liiskaas koon taraaga ah ee mudada leh ee  sharciga ah maalgalin baan ku samayn karaa,cida mar walban dawladu kala xidhiidhaysaa waa aniga.waxaa la qoray in hudheelkaas dawladu iibisay oo lacag malaayiin ah la siiyay  oo sirkad laga iibiyay anigana lacag sadex Boqol oo kun a lay siiyay,arintaasi waa arin been ah waxaan cadaynayaa inaan hutelka dawlada cid iibisay iyo cid ii timi toona aanay jirin”ayuu ku soo khatimay warkiisa.




Axmed Muuse




Gobanimonews




Burco Office