Muqdisho(GNA)-Madaxweynaha somaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa 4 tii bishan September 2013, meel ka baxsan biyaha xeebta magaalada muqdisho o ah markab ay leeyihiin ciidanka bada ee midowga yurub ( EU NAVFOR) Atlanta, lagu martiqaaday.
Martiqaadkan ayaa ahaa mid ka dhacay markab ay leedahay dowlada Nederland oo hada ah fadhiisinka ciidanka bada ee midowga yurub ee EU NAVFOR. Waxana Markabkan lagu magacaabaa HNLMS Johan de Witt.
Fadhigan waxa ka qayb galay Madaxweynaha, wasiiradiisa iyo taliyayaasha dhinaca amaanka iyo ergayga gaarka ah ee isbahaysiga yurub EU u fadhiya Somaliya, Michele Cervone d’Urso, iyo taliyaha sare ee ciidanka bada ee midowga yurub, Rear Admiral Bob Tarrant, madaxa hawlgalka dhismaha iyo tayaynta midowga yurub (EUCAP) Nestor, Etienne de Poncins.
Waxaana lagaga wada hadlay sidii ay wadamada ku bahoobay midowga yurub taageero uga geysan lahaayeen horumarinta qaab qorshe buuxa oo dhinaca bada oo ay yeelato Somaaliya, taasoo lagu asaasay fadhigii u horeeyay oo la qabtay 24 june, fadhigaasoo ka dhacay markab fadhiisin u ahaa ciidanka bada ee midowga yurub EU NAVAL FORCE.
Ujeedada shirkan laga lahaa waxay ahayd abuurista xidhiidh wax wada qabsi oo dhexmara Somaliya iyo midowga yurub, waxa kale oo fadhigani gacan buuxda siinayay shirka caalamiga ah ee soo socda kuna saabsan ka hortaga budhcad badeeda oo lagu qabanayo Dubay inta u dhaxaysa 11-12 sebtember sanadkan 2013 iyo waliba shirka loogu magac daray “Heshiiska cusub ee Somaliya” oo ka dhici doona Burusel.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay dawladiisu diyaar u tahay diyaarinta qorshe dhamaystiran oo ku saabsan hawlaha badda, inta aan la gaadhin shirka 16 bishan ka dhacay Brussels.
“Somaliya aad bay usoo dhawaynaysaa wax wada qabsi dhex mara isbahaysiga yurub EU, si loo hagaajiyo amniga badaha taas oo qayb ka ah hawlgalka balaadhan ee isbahaysiga yurub ka wado Somaliya. Wax wada qabsi dhinaca amaanka baduhu wax uu saamayn muhiim ah ku yeelanayaa horumarinta degaanada xeebaha ee dalkayga. Waxa iga go’an inaan soo bandhigo hoostana ka xariiqo qaab qorshe oo dhamaystiran oo dhinaca badaha ah inta uu socdo shirka ka dhacaya Burusel”ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.
Ergayga isbahaysiga yurub u fadhiya Somaliya Michele Cervone d’Urso oo isla halkaasi ka hadlay ayaa sheegay “Arintani waxay mar labaad cadayn u tahay sida ay uga go’an tahay midowga yurub inay garab istaagaan Somaliya sidii ay u gaari lahayd degenaansho iyo nabadgelyo. Inta uu socdo shirka loo balansan yahay ee “Heshiiska cusub ee Somaliya” ee magaalada Burusel. Taageerida hayadaha amaanka ee Somaliya oo amaanka baduhu ku jiraan waxay xaga sare ka galaysaa ajendaha shirka”ayuu yidhi.
kulankani intii uu socday, waxa kale oo laga hadlay sidii loo taageeri lahaa madaxda Soomaaliyeed sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen awoodooda la xidhiidha la dagaalanka burcad badeeda iyo dhaqdhaqaayada kale ee sharci darada ah ee inta ka baxsan biyaha xeebahooda.
Sidoo kale markabkan laga leeyahay Nederland ee fadhiisinka u ah EUNAVFOR ciidanka midowga yurub wuxuu marti galiyay Siminarka ay bixinaysay EUCAP Nestor oo ah falal dambiyeedka dhinaca badaha, waxa kale oo qayb ka ahaa dhoola tus ay goob joog ka ahaayeen wafdiga Soomaalida ahi.
Wafdigani wuxuu ka koobnaa garyaaqanada dawlada, xaakimo, saraakiil ka tirsan ciidanka bada. Waxayna halkaas ku daawadeen dhoolatus la xidhidha habka doomaha loo adeegsado burcad badeednimada looga hortago, qaabka ciidamadu u fuulaan doonta looga shakiyay inay wataan burcad badeed iyo habka burcada loo xiro, qaabka cadaymaha loola wareego iyo baarista la xirrirta dambigaas.
Isaga oo ka hadlaya seminaarkaa Etienne de Poncins, madaxa wafdiga EUCAP nestor, waxa u yidhi ”Dhacadan ay ku jirto dhoolatuska lagu soo bandhigay markabkan laga leeyahay Nederland ee fadhiisinka u ah ciidanka midowga yurub ee bada waxay muhiim u tahay macno weyna ugu fadhidaa sidii nidaamka maxkamadaha ee dalka Somaliya iyo booliskuba uga hortagi lahaayeen si wax ku ool ah budhcad badeednimada iyo qaababka kale ee sharcidaradaha si loo hormariyo amniga badaha ee gobolkan geeska afrika” .
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com