Thursday, September 5, 2013

SL: Xildhibaano ujeedadii loo doortay 2005-tii ku bedelay inay Xukuumadda Sacab iyo Durbaan uga tumaan Fadhiyada la xisaabtanka Wasiirrada


Hargeysa (GNA)-Fadhiyada golaha wakiilada Somaliland ayaa inta badan marka ay hor yimaadaan masuuliyiinta xukuumadda ee gole weynuhu u yeedho waxa jira xildhibaano caddo ka dhigtay inay guul-wadanimo iyo ficilo muujinaya Taageeradooda xukuumadda ku qaabilaan Madaxda.




Mudaneyaashan ayaan inta badan wax su’aalo ah waydiinin masuuliyinta golahaasi hor yimaada, balse iyagu Sacab ugu jiibiya marka ay wasiirada golaha hor yimaadaaw arbixinaha jeediyaan.




Sida uu Qoray Wargeyska Haatuf  Sidoo kalena waxa jira xubno ka mid ah mudanayaashan oo dhaqan ka dhigtay  in miisaska horyaala garaacaan, iyagoo ugu durbaan tumaya masuuliyiinta xukuumada ee golaha hor yimaada .




Xildhibaano Wargeysku xusay, si weyna looga dhex yaqaano Goleyaasha Baarlamanka , ayaa  ku oriya xildhibaanada iyagu su’aalaha waydiiya masuuliyiinta gole weynuhu u yeedho.




Tiro ka mid ah Mudaneyaasha u Jan-jeedha dhinaca Xukuumadda ayaa Wargeyska Haatuf ku xusay qormo uu Maanta qoray, kuwaasoo kala ah:




1. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)




2. Xildhibaan Siciid Afweyne




3. Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, oo isagu ka mid ah xubnaha golahooda dood iyo su’aal aan ku darsan ee miisaska u garaaca masuuliyiinta goluhu xogwaraysanayo, waxaana madasha fadhiga ee shalay markii ugu horaysay la arkay xildhibaan Dhakool oo miiska garaacaya.




4. Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe




5. Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan)




6. Xildhibaan C/casiis Ismaaciil dhul-cun.




7. Xildhibaan Cabdillaahi Muuse Cige




8. Xildhibaan Mahdi Xuseen Gaas




9. Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan




10. Xildhibaan Cali Gabilay




Hadaba ka sekow Warbixinta Wargeysku qoray, wariye ka tirsan Mareegta Gobanimonews oo mudo dheer u kuur-galay hab-dhaqanka Mudaneyaasha Wakiiladda marka ay fadhiyadu socdaan, ayaa ogaaday in qaar ka mid ah Xildhibaada caadeystay u dur-baan gaaracista Xukuumaddu, ay caqabad ku yihiin Madaxbanaanida Golaha, isla markaana qayb weyn ka yihiin xanta ah isku milanka Xukuumadda iyo golayaasha Xeer-dejinta.




Saluuga laga qabo hawl-gudashada labada Golle ee Baarlamanka Somaliland ayaa sii kordhayay sanadihii ugu dambeeyay, waxaana taasi loo sibir-saaraa inay ku timi dhawr arimood oo ay ugu weyntahay Aqlabiyada labada Golle oo noqday kuwo gacan-saar dhow la leh xukuumadda.




Golaha wakiillada dhexdiisa marka la eego, badashada kooxda xukuumadda ku xidhan ayaa sababtay  in kuwo badan oo mucaarid ah laga takhaluso, khasabna lagu jiidhsiiyo Xeer kasta iyo mashruuc kasta oo ay dawladu wadato, isla markaana xiliyada Su’aalaha la waydiinayo masuuliyiinta dawlada buuq iyo qash-qashaad kala kulma saaxiibayaasha Xukuumadda.




Si kastaba ha ahaatee hab-dhaqanka mudaneyaashan ayaa ah mid caqabad weyn ku ah la xisaabtanka Golaha Xukuumadda iyo Hay’adaha kale ee dawliga ah, waxaanay doc wareen ku noqonaysaa qorshe lagu dar-dar gelinayo hawl-gudashada Golaha oo ay dhawaan Mudaneyaashu isku waafaqeen, ka dib markii dhaliilo badan loo soo jeediyay.  




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com