Dimishek (GNA) Madax waynaha dalka Siiriya Bashaar Al Asad ayaa sheegay in aanay dowladdiisu dagaalka ay kula jirto waxa uu ugu yeeray argagaxisada joojinayn tan iyo inta ay reer galbeedku joojinayaan faro galinta ay ku hayaan dalka Siiriya.
Mr Asad ayaa tilmaamay in wadankiisu uu awood u leeyahay dagal dibada dowladdiisa uga yimaada kadib hanjabaadii ka soo yeedhay dhigiisa Barack Obama ee ku doonayo in Maraykanku qaadayo tilaabo Militeri oo ka dhan ah isaga.
Telefeshinka qaranka Siiiriya oo soo xiganaya Madax wayne Bashaar Al Asad ayaa sheegay in Taliska Asad uu diyaar u yahay dagaal uu la galo cid kastaa oo ku soo duusha dalkiisa xili uu xalay la kulan sanaa saraakiil Iraaniyiin ah.
“Hanjabaada wadanka Maraykanku uu bilaabay ee dagaalka ka dhanka ah dalka Siiriya ma noqonayso mid naga niyad jabisa sharciyadeeda iyo waxaanu xaqa u leenahay” ayuu yidhi Madax wayne Asad .
Hadalkani ka soo yeedhay Madax waynaha dalka Siriiya Bashaar Al Asad ayaa imaanaya xili xoghayaha arimaha dibada ee dalka Maraykanka John Kerry uu sheegay in dowladdiisu ay hayso cadaymo dhab ah oo muujinaya inay dowladda Siiriya u adeegsatay hubka Chemicalka ah dagaalkii ay kula jirtay Mucaaradkeeda bishii aanu ka soo gudubnay kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 1,400 oo ruux oo caruur u badan.
Diyaariye:C/qaadir Askar
Gobanimonews staff