Friday, September 6, 2013

Ma ogtahay dowlada kaliya ee dunida ka tirsan ee aan dalkeedu caruur laheyn iyo Lacag ugooniya.?


(GNA) Waligaa ma qiyaastay ama makugu soo dhacday in uu jiro wadanka dunida ka tirsan oo aan laheyn wax caruur ah.




Hadaba jawaabta ayaa ah: Haa




Dowlada kaliya ee aan dalkeeda laga maqlin wax oohin ama qosol caruureed ah ayaana ah Jaziirada Vatican, sababtoo ah Jaziiradan waxaaba mamnuuc ama xaaraan ka ah in dadka ku nooli is guursadaan isuna galmoodaan.




Jaziiradan oo ah mid madax banaan derisna la ah dalka Talyaaniga ayaa ah xarunta diinta Masiixiga lagu faafiyo, ayadoo dadka ku nool lagu sheegay 1000 qofood, kuwaasoo dhamaantood ah baaderiyaal diinta faafiya isla markaana in ay guursadaan ay mamnuuc ka tahay iskaba daay in ay caruur dhalaane.




Taas ayaana keentay in Jasiiradan aan lagu arag oohin ilmo qudha, Jaziiradan ayaa baaxad ahaan gaadheysa 44 KM, ayadoo inta badan ah meel gaaladu u dalxiis tagaan kuna soo cibaadeystaan.




kudarsoo dawladani malaha lacag ugooni ah waxa ay leedahay ciidan ilaaliya baadariyada ugu waa weyn diinta masiixiga waxa ay leedahay calan ugooni ah, gole wasiiro maxkamad ugooniya iyo adeegyo badan oo ay dawladi la haan karto.




Vatican waxaa lagu magacaabaa dawlada dawlad ka dhex dhisan




Diyaariye:Askar




GobanimoStuff