Eric Abidal ayaa qirtay inuu ka carooday sida Barcelona ay u maareysay bixitaankiisa, waxaana uu sheegay insayn wax mushahar ah siinin mudadii uu xanuunsanaa.
Daafaca Faransiiska ayaa ka soo kabsaday qaliin beerka looga bedelay 2012, isagoo garoonka ku soo laabtay isbuucyadii u danbeysay ee xilli ciyaareedkii hoe.
Si kastaba, kooxda Catalans ayaa diiday inay qandaraaska u kordhiyaan Abidal, iyagoo sheegay in go’aankooda mid ku saleysan arimo kubada cagta la xiriira.
Waxaana Abidal uu ku biiray Monaco isagoo boos joogta ah ka helay daafaca, waxaana 33 jirkaan uu qirtay inuusan ku faraxsaneyn sida ay ku kala tageen isaga iyo Barcelona.
“Dhibaatada waxa ay aheyd qandaraaskeyga ayaa dhacay. Marka xaalada sidaas ay tahayna ama heshiiska ayaa lagu cusbooneysiinayaa ama halkaas ayay ku dhamaanee arinta” ayuu Abidal u sheegay jariirada L’Equipe.
“Diyaar ayaana u ahaa labadaas xaaladood. Waxa ay aheyd xaalad cakiran oo ay adkeyd in la aqbalo, laakiin wado kale iima furneyn. Waqtigeygii Barcelona waa soo dhamaaday, laakiin waxaa ku faraxsanahay inaan mid kale la bilowday Monaco.
“Waa ay adkeyd in la fahmo xaalada, sida Barcelona ay iyada lafteeda ku qiratay shirkii jaraa’id ee ugu danbeeyay. Waxa ay dhaheen go’aankooda waxa uu ku saleysnaa arimo kubadeed, taasoo shaki gelineysay kooxaha kale.
“Xitaa arinta ma aysan aheyn lacag. Waxaana cadeyn kua ah bil kasta oo aan xanuunsanaa kooxda ima aysan siinin mushahar.
“Maanta nasiib ayaan leeyahay inaan heysto kalsoonida tababaraha iyo madaxweynaha Monaco.”