Saturday, September 21, 2013

Liverpool v Southampton: Reds Oo u halgamaya In Hoggaanka Aysan Ka Degin.






Liverpool vs soton




 




Kabtan xigeenka Liverpool Daniel Agger ayaa dib ugu soo laabanaya kooxda




kadib markii uu dhaawac kaga maqnaa kulankii Isniinta ee Swansea City la




galeen barbardhaca.




 




Philippe Coutinho ayaa dhowr toddobaad garoomada ka maqnaan doona markii




qalliin garabka looga sameeyay, waxaana beddelkiisa ciyaari doona Aspas




iyo Sterling midkood.




 




Luke Shaw ayaa dib ugu soo laabanaya kooxda Southampton markii uu




dhaawac yar kasoo gaaray kulankii u dambeeyay ee uu kooxdiisa u ciyaaray.




 




Ciyaarta waxa ay dhici doontaa 5ta galabnimo saacada geeska Afrika.




 




*Waxyaabaha u gaarka ah kulankan*




 




* Dhammaan shantii kulan ee u dambeysay ee labadan koox ayaa waxaa




badineysay kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayay, iyadoo galabta garoonka




Liverpool ee Anfield lagu ballansan yahay.




 




* Kulankii u dambeeyay ee March sanadkan dhacay waxaa 3-1 ku badisay




Southampton.




 




* Liverpool ma guul-darreysan 12-kii kulan ee u dambeysay ee horyaalka,




waxaana ugu dambeysay guul-daraas Southampton kasoo gaartay.




 




* Hadii Reds guuleysato waxey u noqoneysaa guusheedii 400-aad ee Premier




League.




 




* Liverpool waxey ku badineysay min 1-0 labadii kulan ee u dambeysay ee




garoonkeeda ku ciyaartay.




 




* Dhammaan Shantii gool ee Liverpool ka dhalisay horyaalka xilligan




waxey wada dhasheen qeybta hore ee ciyaarta.




 




* Sturridge wuxuu goolal ka wada dhaliyay dhammaan kulamadii uu




Liverpool u ciyaaray xilli-ciyaareedkan (4 horyaalka iyo mid League Cup).




 




* Sturridge wuxuu noqday ciyaaryahankii u horreeyay ee Liverpool goolal




u dhaliya afarta kulan ee ugu horreysa ee horyaalka.




 




* Lucas ayaa calaamadda Jaallaha ah la siiyay dhammaan seddexdii kulan




ee uu xilligan ka ciyaaray horyaalka.




 




* Southampton ayaa kaliya hal kulan badisay xilligan, waxeyna bannaanka




kusoo garaacday West Brom.




 




* Kaliya hal kulan ayay ka badisay Southampton 10-kii kulan ee u




dambeeyay ee horyaalka ka ciyaartay.




 




* Saints kaliya waxaa lagu tuuray 9 Laad oo kaliya oo goosha lala




eegtay, waana kooxda ugu yar, halka Liverpool lagu tuuray 22 Laad taas




oo ka dhigeysa kooxda labaad ee ugu badan.