Xasanow xoolodhaqasho iyo haddaad xilli ka weynaatid
Saw dharaaro tegay xusuustood dib uma soo gocatid
Dharaarahan waxa meel kasta lagaga hadlayaa garoonka Cigaal International Airport ee Hargeysa ku yaalla iyo diyaaraddii Ethiopian Airline ee duulimaadkeedii ka joogsaday. Garooonka diyaaradaha ee Hargeysa ku yaal waxa uu ahaan jiray markii hore halka ay hadda degan yihiin dadka soo barkacay ee xaafadda taliska Birjeex ee Ciidanka Xoogga dalka. Waxa loo raray halka uu hadda yahay sannadkii 1958 oo uu ka soo degay Boqoradda Adeerkeed oo booqasho ku yimid Somaliland. Ardaydii la keenay ee soo dhowaynaysay anaga oo lulayna calanka Boqortooyada Midawday (United Kingdom) . Rag Fardo fuushan oo Soomali ah ayaa iyana soo dhowaynta ku jiray .
Mid ka mid ah raggaas ayaa geeraaray isaga oo Faraskii ku jooga waxa uu yidhi ; Sidii naag dhaliwayday oo dhawaan eebe wax siiyey ,ayaan kaa dhulsugaynee—Dhaladkii Ingiriisaw xaggee kaa dhunkadaa.
Qoladii gobannima-doonka ahayd ayaa markiiba soo tuuray weedhan oo yidhi “ dabada” iyagoo tarjumay weedha cayda ah ee lagu yaso ciddii guul-wadaysa ee Af-Ingiriiska ku ah “ kiss his arse (Ass)” (Futada ka dhunko).
Markii 1994 dagaalkii sokeeye ka dhacay Hargeysa ee uu xidhmay garoonkii ,ayaa qolo siyaasiin ihi dooneen inay garoon kale ka bilaabaan danta kale meel tuulada Abaarso u dhaw . Marxuun Cigaal ayaa arrintaas diiday oo yidhi Hargeysa garoon qudha ayey lahaanaysa sidii Cali Mahdi iyo Caydiid laba garoon u samaynmayno.
Haddaba, markii Wafdigii Madaxweyne Rayaale oo aniga iyo Axmed Yuusuf Ducaale iyo Adna Aadan Dhakhtar aan ka mid ahayn uu booqday Galbeedka Afrika ayaan aragnay , garoonka Senghor( Dakar) waa madaxweynihii hore ee Senegal iyo garoonka Houphovet Boigny ( Abidijan ) Garoonka Murtalla Maxamed ( Lagos) . Sidaas darteed, markii aan dalka ku soo laabanay ; ayaan Golahii Wasiirrada oo uu Guddominayu Madaxweyne Rayaale soo jeediyey in garoonka Hargeysa loogu magac-darro Marxuun Cigaal, soo jeedintaas waxa igu raacay oo ka hadlay shirkii Mudane Saleebaan Cali Koore , sidaas ayaa la isku raacay oo loogu magac-darray garoonkii Marxuun Cigaal.
Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airline way u madax-bannaan tahay maamulkeeda, dawladdu ma fargeliso xitaa waqtigii Mengiste .Waa shirkad gancsi oo aad u weyn halkii dani ugu jirto ayey tegaysaa ee dhaqaale ka soo gelayo . Shirkadaha diyaaraduhu iyaga ayaa dawladaha barya in fasax duulimaad la siiyo ee dawladuhu lama baryaan fasax shirkadaha. Haddii aad makhaayaddaada hagaajisatid ,waad heli macmiil badan ,haddii kale waa lagaa tegi. Sidaas oo kale shirkadaha shidaalku iyaga ayaa dawladaha weydiista ruqsadda sahaminta shidaalka oo weliba lacag xaqul-qallin ah ku bixiya ee fasax lalama baryo. Haddiise la isku kaa garan waayo waa lagaa tegayaa. Sidaa awgeed, waxba yaan laga daba-cararin ee baylahdeena aan hagaajisano oo dhamaystiranno nabadgelyada garoonkeena iyo dalkeenna. Carabtu waxay tiraahdaa “ Ximaar yaa roox, ximaar yaa jii; Dameerbaa tega , dameerbaa yimaada. Ma aha sida aynu isu aragno ee waa sida dadka kale inoo arkaan. Haddii ayuu nabad ku haysano dadka iyo xoolaha iska dhex socda garoonka, dunidu sidaas nabad uma aragto, haddii beel waliba degaankeeda ay sheegato oo aynaan dhib u arag , dunidu waxay u aragta dhibaato iyo fawdo iyo dawlad aan dalkeeda maamulin oo waxba gacmaha ugu jirin.
Marxuun Madaxweyne Cigaal, ayaa joojiyey Sharkad Shiine ah oo heshiis la siiyey inay shidaal ka sahamiso bariga Berbera , iyadoo uu Markabkii qodayey ka soo dhaqaaqay markda Shiinaha sannadkii 2001 horaantiisii. Arrintaas ayaann la yaabnay, waxaase aan mar dambe oggaaday inuu ka baqay isku dhac iyo isqabsad ,waqtigaas oo beesha bariga Berbera iyo Burco ayey mucaaradad xoog ah oo uu hormood u ahaa Urur-siyaasadeedkii ASAD ay kula jirtay xukuumadda Cigaal.
Weli dhinaca bariga Somaliland shirkado iyo gaallo toonna ma hawaysan karto inay ku negaadaan. Nin ayaa waxa uu lahaa wax geel ah hal gabno ah oo fool-xun oo Galool la odhan jiray degaanka Ceerigaabo. Waxa uu yidhi” Galool gudimo geel nimay u tahay xoor gilgilanmaayo , asa mooye gaban ay dhashoo gaawe laga Buuxsho” Asa mooyi haddii dhinaca galbeede ee dalka wax lagu sheego.
Mar kale haddii aan soo xigto Marxuun Cigaal oo konton sanno siyaasadda Soomaaliyeed ku jiray oo waayo-aragnimo badan u lahaa, ayaa ka warhelay in Amiir reer Kuwait oo Somaliland beer ka rabay, la dejiyey Sheekh . Waxa kale oo uu oggaaday in aniga uu mukhalaskiisii oo aanu isku xaafad ahayn oo arrinta igala soo xidhiidhay. Markaas ayuu ila soo hadlay oo yidhi war maxaad halkaas u geysay anaa Maxamed Ciise ka dhashay ee maad geelbeedkan keentid Arabsiyo, Gabilay iyo Boorame dadkaas ayaa yaqaan sida loo wada noolaado oo martida u fiicane.
Shirkii Golaha Wasiirrada ayaa Marxuun Cigaal ku soo qaaday, dhaliilo loo soo jeediyey xukuumadda oo uu ka hadlay, waxa farta taagay Wasiirkii Hiddaha iyo Suugaanta Cali Sheekh Aaraaye oo aan macallin ugu ahaa Jaamacaddii Lafoole, haddana ah Xildhibaanka keliya ee beesha Ciise kaga jira Golaha Wakiillada. Cali Sheekh waxa uu ku hadlaa luuqda beesha Ciisaha. Waxa uu yidhi “ Madaxweyne qolo Ciise ah ayuu Sac kaga dhacay Ceel , deeto Afar nin oo xoog ah ayaa ceelkii ku booday, si ay u soo saaraan saca. Waa kariwaayeen, markaas ayaa nin ka mid ihi hadlay oo yidhi waar afarteenan nin ma aynaan awooddi kariwaayin in saca aan ceelka ka saarno ee qaarkeen ayaa saca hoos ceelka ugu jiidaya. “
Wasiir Cali sheekadii waxa uu ku soo dhammeeyey xukuumada qaar ka mid ah ayaa hoos u jiidaya. Madaxweyne Cigaal oo wax saluugsanaa ayaa u bogay sheekadii oo yidhi Cali Aaraaye haadalka uu sheegaa waa dhaboo ee wax baa ka jira warkan. Aroortii dambe ayaa Madaxweyne Cigaal xilkii ka qaaday laba wasiir oo Habar Awal ah,oo laba guri oo dawladdu leedahay dad ku jiray kala wareegay!!! Maxaa ku baxay Boowee !! Ninkii Reer Qoryooley waxa uu jawaabay ‘Badar iyo digir.”