UN (GNA) Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in dagaalada dalka Siiriya ka holcaya ay ka Qaxeen in ka badan Lama Million oo ruux.
Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu xusay in kala badh dadkaasi ay ka Qaxeen dalka Siiriya sadexdii bilood ee ugu danbeyay sida ay sheegayaa saraakiisha hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay.
Bayaan ay soo saartay Hay’ada Qaramada Midobay ee Qaxootiga ayaa lagu sheegay in in ka badan 700,000 oo ka qaxeen ama ka carareen dagaalka dalka Siiriya ay haatan qaxooti ku yihiin dalka Lubnaan.
UNHCR waxay sheegtay in dadka haatan ugu badan ee ka cararaya goobaha dagaalada ee dunida ay yihiin dadka ugu badan Siiriyaan.
Dhinaca kale Dowladdaha Maraykanka iyo Faransiiska ayaa wali sii wada sidii ay gadaal uga riixi lahaayeen talaabo Militeri oo ka dhan ah isticmaalkii hubka Chemicalka ee lagu eedeeyay inay u adeegsadeen goobaha dadka rayidka ah ciidamada dowladda Siiriya.
Sarkaal sare oo ka tirsan siyaasiyiinta Maraykanka ayaa lagu wadaa inuu maanta ka hor hadlo aqalka gudiga Congress ka isagoo taageero ugu raadinaya faro galin militeri oo lagu sameeyo Siiriya.
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com