Tirpoli (GNA) Gabadh uu dhalay Madaxii hore ee waaxda Sirdoonka dalka Liibiya Cabdala Senussi ayaa lagu soo waramayaa in la afduubtay kadib markii laga soo sii daayay xabsi ku yaal magalaada Tripoli ee xarunta dalka Liibiya.
Wasiirka wasaarada cadaalada dalka Liibiya Salax Al Marghani ayaa sheegay in ciidamada Police ku ay ka soo wadeen Canuud Cabdalla Senussi Xabsiga Al Rayoumi shalay galab kadib markii ay soo dhamaysatay xabsi 10 bilood ahaa oo horay loogu xukumay .
Police ka ayaa sheegay in ciidamo aad u hubaysan oo faro badan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen gawaadhidii ay wateen Police ka ee lagu waday Ms Senussi kuwaasi oo rasaas ooda kagaga qaaday gawaadhidii Police ku wateen ka hor intii aaney afduuban Ms Senussi.
Canoud Cabdallah Senussi ayaa soo dhamaysatay xabsi 10 bilood ah oo hore ay ugu xukuntay maxkamada dalka Liibiya kadib markii lagu eedeeyay inay dal ku gal been abuur ah ku soo gashay dalka Liiibiya bishii October ee sanadkii hore.
Ms Senussi ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu helay inay adeegsanaysay dal ku gal been abuur ah oo ay doonaysay inay xabsiga lagu hayo aabaheed Cabdalla Senussi soo booqato.
Arinta afduubka gabadha uu dhalay madaxii hore ee waaxda sirdoonka dalka Liibiya ee Canoud Cabdalla Senussi ayaa ku soo beegmeysa xili aabaheed Cabdalla Senussi uu ku jiro xabsi ku yaala magaalada Tripoli kaasi oo loo haysto danbiyo uu ka gaystay dalka Liibiya intii uu xukunka dalkaasi hayay Mucamar Al Qadaafi.
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com