Tuesday, September 3, 2013

Erdogan: Duulaanka lagu qaado Siiriya waa inuu noqdaa mid dhameystiran


Ankara:(GNA)-Raysalwasaaraha Dalka Turkiga Md Tayyib Erdongan ayaa sheegay in loo baahanayahay in xukunka laga rido Bashaar al Assad Ee aan loo baahanaynan in si dhaw looga soo hadho. ama laga duqeeyo




Raysalwasaaraha Turkiga ayaa ku tilmaamay siyaasad khaldan in reer Galbeedka ay duqeeyaan goobo kooban oo gudaha Siiriya ah, balse loo baahan yahay hadii hawlgal militari la qaadayo inuu noqdo mid dhameystiran oo xukunka looga tuuro dowlada Bashaar Al Assad.




Dowlada Turkiga ayaa dhankeeda sheegtay inay diyaar u tahay inay ka qeyb qaadato duulaan ka dhan ah dowlada Siiriya, hadii wadamada Reer Galbeedka go’aansadaan inay weeraraan dalkaasi Siiriya.




 




Diyaariye:C/qaadir Askar




Gobanimonews-Staff