Wiilka uu dhalay macalinka Chelsea Jose Mourinho ayaa u wareegay kooxda ay Blues ku xafiiltamaan galbeedka London ee Fulham.
14 jirkaan goolhayaha ah ayaa ku biiray akadeemiga kooxda ka dhisan Caraven Cottage ka dib markii muddo bil ah uu tijaabo ugu joogay kooxda.
Wiilkaan loo yaqaano Jose Mario ayaa u soo ciyaaray da’ yarta Real Madrid markii aabihiis uu Bernabeu macalin ka ahaa.
Laakiin jariirada Isbaanishka ee Marca ayaa sheegatay in wiilka Mourinho uu iska diiday inuu aabihiis u raaco Chelsea taas bedelkeedana ka doortay juunyeerka 14 jirada Fulham.
Qandaraaska uu halkaas ku joogayo waa hal xilli ciyaareed sababtoo ah waa heshiiska la ogol yahay ee ugu dheer ee laga saxiixi karo ciyaaryahan da’diisa ah marka uu dal shisheeye ka ciyaarayo.
Jose Mario ayaa rajeynaya inuu raaco talaabadii awoowgiis Jose Manuel Mourinho kaasoo sidoo kale goolhaye ahaa, islamarkana hal kulan u saftay xulka Portugal 1970meeyadii.