Iyadoo warar isqilaafsan ay ka soo baxayaan lacagta laga bixiyay Gareth Bale, jariirada AS ee ka soo baxda Madrid ayaa sheegeysa in kooxda Real Madrid ay u xaqiijisay Cristiano Ronaldo inuu weli yahay ciyaaryahanka abid ugu qaalisan adduunka.
Sida wargeyska uu sheegayo Madrid ayaa warkaan u marsiisay Real Madrid wakiiladiisa, waxaana ay ku adkeysanayaan inay Gareth Bale ku soo iibsadeen 91 milyan euro oo ah lacag ka yar 96dii milyan euro ee Ronaldo looga soo iibsaday Manchester United 2009kii.
Waxaana Los Blancos ay u sheegtay Cristiano Ronaldo inuu weli yahay ciyaaryahanka abid ugu qaalisan adduunka, waxaana doonayaa inay meesha ka saaraan shaki kasta oo uu xiddiga ka qabo arinta heshiiska Bale, madaama Tottenham ay sheeganeyso inay ku iibiyeen Bale lacag noqoneysa rikoorka adduunka oo ah 100 milyan euro.
Dhowr isbuuc ka hor madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa ku guuleystay inuu wadahadalo heshiiska loogu cusbooneysiinayo Cristiano dib ugu soo celiyo miiska wadahadalka.
Wadahadalada ayaana ku dhow in la dhameystiro, sababtaas darteedna waxa ay kooxda dooneysa inay ka fogaato in ciyaaryahanka uu dareemo inuusan muhim ka aheyn kooxda xilli Perez uu hoosta ka xariiqay in CR7 uu yahay ciyaaryahanka ugu muhiimsan Real Madrid.