Caynaba(GNA) Shaqalihii Shirkada Shidalka Baadhaysa ee Ganell Energy Oo Rasaas Ooda Lagaga Qaaday Degaanka Gunbur Libax Ee Bariga Gobolka Togdheer .
Wararka naga soo gaadhaya Degaanka Gunbur libaax Ee Bariga Gobolka Togdheer ayaa shegaya in Shaqaale ajaanib ah iyo Waliba Howlwadenadii kale Ee Shirkadaasi ay Tacshirad rasaas ooda kaga qadeen Maleshiyo ku sugan Degaankasi.
Shaqalahani ka socday Shirkada Baadhaysa Shidalka Ee Ganel Energy ayaa Subixii Hore u Boqolay Degaanadaasi ay ka wadeen Howlaha Sahaminta Shidalka waxay si Kadis ula kulmeen Maleshiyo Hubaysan waxaanay Tahli kari wayeen inay gutaan howlahooda shaqo ka dib markii ay is hortageen Maleshiyo beledkaasi isla markasna Rasaas ku Cashariyeen.
Waxayna wararku intaasi ku darayaan in qaar ka mid ah Gadiidkii ay Saarnayeen Shaqalahaasi Aan lahayn Meel ay Jaan iyo Cidhib Dhigeen ka dib markay Dhex Jibaxeen Kaaymaha Waawayn Ee Degankasi Gunbur libaax.
Dhinaca kale waxa Degankaasi isla saakaba u baxay Badhsabka Gobolka Togdheer Xamarji iyo Taliyaha Ciidanka Police ka Ee Gobolka Togdheer
Diyaariye:Askar
Gobanimonews.com