Hargeysa(GNA)-Xidiga Gobolka Sanaag Ee Axmed Siciid Cawed (Siikaawi) ayaa ku guuleystay Gaadhigii lagu helaayey gool dhalinta ee ay bixinaysay Shirkada Dahabshiil . Warkan oo aanu ka helnay Maayarka Degmada Maydh ee Gobolka Sanaag Mudane Xuseen Sh.C/raxmaan Sh.Siciid Maydh oo ka ahaa masuuliyiintii hogaaminaayey xulka gobolka Sanaag Sanadkan.
Maayar Xuseen Maydh oo arinkaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi” Goor dhayd ayaa naloogu bushaareeyey in uu xidiga gobolkayaga ee Axmed Siciid Cawed (Siikaawi) ku guuleytay Gaadhigii lagu helaayey gool dhalinta taas oo imika kaadhadhkii casuumada xaflada bari lagu gudoonsiinayo naloogu yeedhay xaflada oo bari ka qabsoomaysa Maansoor Hotel”
Dhinaca kale Maayar Xuseen Maydh ayaa waxa uu u mahadnaqay Macalinka Xulka Gobolka Sanaag C/xakiim Maxamuud Xasan (Laagadhe) oo kamid ahaa xulkii qaranka Soomaaliya, iyo Tababaraha labaad ee Xulka Gobolka Sanaag Siciid Cawed Caateeye oo ahaa Number 10-kii Gobolka Sanaag ee Waqtiyadii hore isla markaa ah Aabaha dhalay xidigan maanta guusha iyo magaca usoo hooyey gobolka ee gaadhigan ku guuleystay waa Mr. Axmed Siciid Cawed (Siikaawi) .Taasi oo ku tusaysa in xidigani yahay nin kasoo jeeda qoys ciyaaar-yahan oo aabihii hore uga mid ahaa Laacibadii caanka ka haa goboladii Soomaliya taasoo imikana xidigan yari boodhka ka jafay taariikhda ciyaareed ee qoyskiisa iyo guud ahaan Gobolka Sanaag
Dhinaca Maayar Xuseen Sh.C/raxmaan Sh.Siciid Maydh ayaa waxa uu tibaaxay in xidigan aabihii Siciid Cawed ay isku waqti ahaayeen isla markaana Maayarku xiligaa uu ahaa Number 7-ka Gobolka Sanaag halka xidigan Aabihii Siciid Cawed-na ahaa number 10-ka Gobolka