(GNA) Dilma Roussef Madaxweynaha dalka Brazil ayaa sheegtay in dowladeeda wax badan ka bedali doonto adeegyada isgaarsiinta, waxbarashada iyo caafimaadka dalka Brazil.
Madaxweynaha Brazil ayaa sidoo kale casuntay inay la kulanto abaabulayaasha banaanbaxyada ka socda dalkaasi iyo waliba ururada rayidka ee kasoo horjeestay siyaasada xukuumada Madaxweyne Dilma Roussef.
Banaanbaxyada bishan ka bilowday dalka Brazil ayaa sii xoogeystay iyadoo inta badan magaalooyinka waaweyn ee wadankaasi ay joogto ka noqdeen mudaharaadyada maalin walba la qabto ee lagu cambaareenayo hoos u dhaca ku yimid adeega arrimaha bulshada iyo xaalada dalkaasi ka jirta
Banaanbaxayaasha ayaa ilaa iyo iminka ku hawlan banaanbaxyadooda iyadoo ay jirto xaalado adag oo ay kaga horjeedan maalgelinta Kubadda Cagta islamarkana ay iyagu u baahan yihiin qarashaadka lagu bixinaayo Kubadda Cagta.