Sunday, June 23, 2013

Burco: RRU-da oo Hawl-galo ku socda Bartilmaameedyo Mucayim ah ku Ugaadhsanaya Dad lagu Tuhmay Xag-jir nimo iyo Magacyada 10 la qabtay


Burco(GNA)-Ciidamada amaanka Somaliland, gaar ahaan Unuga ka hor taga Rabshada iyo Xaaladaha deg-deg ah (RRU), ayaa labadii todobaad ee ugu dambeeyay Magaalada Burco ka soo qab-qabtay ilaa toban Ruux oo sida la sheegay lagu tuhunsanyahay Xidhiidh inay la leeyihiin Kooxaha Xag-jirka ah.




Hawl-galo sida ay Saraakiisha amaanka Gobolku Gobanimonews u sheegeen qorsheysan, kuna jihaysan bartilmaameed iyo raadad meel fog laga soo raacay, ayaa lagu soo qab-qabtay dadkaasi oo ay u jiraan kuwo hore Xabsiyada looga sii daayay, oo argagixisonimo loo xidhay.




Mobaarig Diiriye X. Axmed oo ka mid ahaa Rag laba sanadood ka hor loo soo xidh-xidhay Af-duub dad ajaanib ah loogu geystay Gobolka Sanaag iyo Wiil uu dhalay oo shalay Duhurnimadii Magaalada Burco laga qabtay ayaa ugu dambeeyay hawl-galada dadkaasi lagu Ugaadhsanayo.




Sidoo kale Maxamuud Xasan Cabdi, oo ka mid ahaa Shaqaalaha Xawaaladda KAAH EXPRESS, Xafiiskeeda Burco, ayay Habeen hore RRU-du kala soo baxeen Gurigiisa xili dambe oo dadu hurday, halka dhaaman dadka kale ee hawl-galadaasi lagu soo qabtay badankooda sidan oo kale todobaadkii hore loo soo qab-qabtay.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka Amaanka Somaliland oo la xidhiidha Hawl-galadan iyo sababta ka dambeysa, walina Maxkamadda lama soo taagin dadkaasi oo loo soo dhaadhiciyay Hargeysa, balse Saraakiil  ka tirsan laamaha amaanka oo magacooda qariyay, ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in talaabadani ka dambeysay dareeno hore iyo Digniin la xidhiidhay Weerarkii Muqdisho ka dhacay Arbacadii todobaadkii hore oo sida xogo lagu helay la doonayay mid la mid ah in laga fuliyo Somaliland.




Saraakiisha amniga Togdheer, waxay intaasi ku dareen inaanu dhamaan wali hawl-galku, lagana yaabo in maalmaha soo soca dad kale oo ku sugan Burco iyo Deegaamada Xuduudka ku teedsan la soo qab-qaban doono.




Bulshada Rayidka ah ee Gobolka ayaa si weyn isha ugu haya hawshan, iyadoo qaarkood dhako faar iyo dareen ka qaadeen.




 “Dadkan la qab-qabtay waa kuwo badankoodu waligood reer Burco ahaa, oo aan meelna uga bixin”ayuu yidhi Nin ka mid ah bulshada rayidka ah ee Reer Burco oo Gobanimonews.




Si kastaba ha ahaatee Hawl-galadan ayaa ka soo bilaamay Guluf ay Ciidanka RRU-du horaantii bishan goor habeen ah ku galeen Suuqa Bacadlaha ee Magaalada Burco, kaasoo ay ilaa todoba qof iyo Hub siyaabo kala duwan dukaamada ugu xaraysnaa ku soo qabteen.




Waxaana Hawl-galkaasi dadkii lagu soo qabtay qaar ka mid ah iyo Hantidii hubka ahayd ee ay Ciidanku gacanta ku soo dhigeen , xukuumaddu sii daysay mudo yar ka dib, halka dhawr Nin oo Ganacsadeyaal ahaa  baadhis dheeraad ah loo diray.




Magacyada Dadka Todobaadkii ugu dambeeyay la soo qab-qabtay.




 




 




1-Mukhtaar Siciid Axmed




2- Cabdi Faarax Cali




3-Farxaan Caynab




4-Jaamac Laan-gadhe




5-Maxamuud  Xasan Cabdi




6-Salaad Diiriye Jaamac




7-Yuusuf Saleban Aw-cali




8-Axmed cali Jibriil




9-Mobarik Diiriye X. Axmed (hore Argagixiso loogu xidhay)




iyo Wiil uu dhalay.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com