[caption id="attachment_92345" align="alignleft" width="300"] Wasiirka Amniga oo sheegay "Dilkaasi kama' ayuu ahaa[/caption]
Muqdisho(GNA)-Guddiga Amniga ee Golaha Wasiirada Soomaaliya aaya go'aamo ka soo saaray Xallinta Mushkiladda colaaddeed ee ka aloosan Gobolka Hiiraan, taasoo soo noqnoqotay.
Deegaamo hoos yimaada Gobolka Hiiraan, ayaa waxa ka taagan xiisad ehli ah oo khasaare badan keentay.
Shir ay isugu yimaadeen Guddiga Amniga ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo loo xilsaaray xallinta mushkiladda, ayaa laga soo saaray go’aamo lagu baaqay in lagu joojiyo colaadaas.
Waxa ka mid ah go’aamadan, in dhakhso loo joojiyo dagaalada soo noqnoqday ee socda, in Ciidanka Amisom ka qayb qaataan sugida amniga deegaamada dagaaladu ka dhaceen iyo in Siyaasiyiinta iyo hogaan dhaqameedka Beelaha Dirirtu u dhaxaysaa ka wada howl-galaan joojinta xiisada aloosan.
Hoos ka fiiri warqada go’aamada lagu soo saaray oo nuqul ka mid ah Gobanimonews heshay.
[caption id="attachment_100194" align="alignleft" width="534"] Wareegtada guddida amniga[/caption]