gudoomiye cirro waxa uu daaha ka rugay in aanu jirin siyaasi kale oo hanan kara jagadaasi marka loo eego beeshiisa,
ka dib markii uu gudoomiye ciro ku guul daraystay inuu DR. fadal noqdo xubinta koomishanka doorashooyinka U Matalaysa xisbiga Waddani ,taas oo uu madaxweyne Siilaanyo si cad uga diiday loolan iyo cel celis badan oo ugu dambayntii lagaga guulaystay gudoomiye cirro waxa mar kale dib ugu celiyay jagadiisii uu hore cirro,uga tuuray si uu ugu buuxiyo hankiisa koomishanka taas oo ay ahayd xog hayaha arrimaha dibada ee xisbiga waddani waxaana sidaa lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Cirro, oo nuqul ka midi soo gaadhay shabakada wararka ee Gobanimonews waxaanu u dhignaa sidan.
Xisbiga Wadani Oo Dib U Magaacaabay Dr Fadal In Uu Buuxiyo Jagada Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Xisbiga Wadani.
hargeysa(GNA) Shir ay xarunta Xisbiga WADDANI ay ku yeesheen hogaanka Xisbiga maanta oo ay taariikhdu tahay 18-ka October 2014-ka,waxay dib u eegis iyo qiimayn ay ku sameeyeen,asbaabaha uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u cuskaday diidmada in uu xubin ka noqdo Komishanka Doorashooyinka Dr:Maxamed Cismaan Fadal .
Hogaanku waxaa uu ku qancay in Dr:Fadals
-in uu Dr:Fadal buuxiyey dhamaanba shuruudihii laga rabay
-in uu yahay aqoonyahan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba si wayn looga yaqaano.
-in uu xilal kala duwan oo mid dawli ah iyo mid aan dawli ahaynba uu ka soo qabtay Somaliland
-In uu yahay muwaadin karti badan,aqoon badan,wax wayna ku tari lahaa gudida Doorashooyinka Qarankain sifo sharciga ka baxsan uu madaxweynahu ugu diiday in uu qabto xilkaas.
Waxaa hogaanka xisbigu uu ka codsaday Dr:Fadal in uu ka noqdo iscasilaadii,lana soo noqdo xubinimadii Xisbiga,taasna waa uu aqbalay.
Sidaas daraadeed waxaa hogaanku isku waafaqay in loo soo celiyo xubinimadii golaha dhexe iyo gudida fulinta .
Waxaa kale oo loo magacaabay Dr:Maxamed Cismaan Fadal in uu buuxiyo Jagada xoghayaha arrimaha dibada ee Xisbiga WADDANI laga bilaabo taariikhda maanta 18/10/2014-ka.
Alla-Mahadleh
Md:Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde
Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI